Heshiiska DFS iyo Axmed Madoobe oo durbadiiba si aad ah loo mucaaraday

Kismaayo (Caasimada online) Saraakiisha Ciidamada Barre Aadan Shire Hiiraale, ayaa waxay sheegeen inaysan aqbali doonin heshiis waliba oo kasoo baxa shirka Adis-Ababa ee dowlada iyo maamulka Axmed Madoobe. Halkan ka arag heshiiska

Daahir Xasan, oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Barre Aadan Shire Hiiraale’ ayaa sheegay in talada Jubbooyinka aysan ka go’in Axmed Madoobe , balse Halkaasi ay dagaan qabiilo badan oo kala duwan  isla-markaana uu ka dhexeeyo dhamaantood Jubbooyinka.

Wuxuu sheegay in Jubbooyinka uu go’aankeeda uusan laheyn Hal shaqsi , waxana uu sheegay dowlada inaysan ku fududaan saxiixa heshiis ay la gasho Axmed Madoobe, isagoo sheegay inuu xasuuq ka geystay magalaada Kismaayo.

Maamulka Axmed Madoobe, ayuu sheegay in mar waliba ay duulaan ku yihiin isagoo sheegay inaysan  aqbali doonin wax waliba oo ay kusoo heshiiyaan dowlada Soomaaliya  iyo Maamulak Axmed Madoobe.

Ciidamada Barre Aadan Shire Hiiraale, ayaa waxay ku sugan yihiin duleedka magalada Kismaayo halkaas oo ay ka wadan abaabul dgaal oo ay doonayaan inay kula wareegaan Kismaayo.

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com