Heshiiska FARMAAJO iyo Madasha Xisbiyada Qaran oo durba halis ugu jira burbur

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiskii ay 20-kii bishan magaalada Muqdisho ku gaareen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii ka horeeyey ee matalayey Madasha Xisbiyada Qaran ayaa durba wajahaya caqabad kadib markii Madasha ay eedeyn culus u jeedisey madaxweynaha.

Madasha ayaa qoraal ay shalay soo saartay oo ku saabsanaa xaaladda Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, waxay madaxweynaha ku eedeysay inuu durba ka baxay “qaar ka mid ah qodobadii ay kala hadleen.”

“Madasha Xisbiyada Qaran waxey umadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in qodobadii ay kala hadashay madaxweyne Farmaajo kulankii arbacadii ee 20/11/2019 la soo dhaafey dhacey ay ka mid aheyd arrinta Jubaland iyo Gobolka Gedo, dhacdooyinka isdaba-yaalla ee gobolka Gedo ka dhacayana ay u muuqdaan in madaxweynuhu ka gaabinayo mas’uuliyaddii loo igmadey, taasoo bilow u ah in uu ka baxayo qodobadii madasha ay ka wada hadleen qaar ka mid ah.”

Arrintan Jubaland iyo Gedo, kama mid ahayn shanti qodob ee Madasha Xisbiyada ay shaaca ka qaadeen inay kula heshiiyeen madaxweynaha. Sidoo kale, Madasha waxay sheegtay in madaxweynaha ay arrintan kala hadleen oo kaliya, taas oo macnaheedu uusan ahayn in heshiis laga gaaray.

Si kastaba, waxaa durba muquda in labada dhinac ay kala boodayaan. Xiisadda Jubaland ayaa ah mid ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan ee dalka ka taagan, waana arrintii sababtay isku daygii dowladda ku hor-istaagtay ka qeyb-galka madaxadii hore ee caleemo saarka Axmed Madoobe.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada Itoobiya u adeegsatay inay inta badan usoo gacan geliyaan gobolka Gedo, taasi oo ka carreysiisay Jubaland iyo xisbiyada mucaaradka ah, mana muuqato inay joojin doonto qorshaheeda ah in gobolka Gedo ay ka goyso Jubaland.

Haddii tani ay sii socoto waxay hormuud u noqon doontaa in heshiiska madaxweynaha iyo Madasha lagu kala boodo, xiisad cusubna ay mar kale ka dhex dillaacdo labada dhinac.