Heshiiska Itoobiya ee dekadda Jabuuti saameyn ma ku yeelan doonaa heshiiskii saami qeybsiga dekadda Berbera?

Hargeysa (Caasimadda Online) –Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo toddobaadkii u dambeeyay socdaaladiisa dibadda ee u horeeyay ku tagay wadamada Djibouti, Sudan iyo Kenya ayaa gacanta ku dhigay dekeddo ay dawladdiisu doonayso inay saamiyo ku yeelato kuna munaafacaadaan malaayiinka dadkiisa.

Itoobiya waxay hore hore 19% ugu yeelaty maalgashiga dekedda Berbera. Sidoo kale dekedaha Djibouti ayuu iyagana Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka codsaday madaxweynaha Djibouti in Itoobiya saami ku yeelato, taas oo ay Djiboutina aqbashay.

Sidoo kale dalka Suudaan oo uu booqday ayuu kula soo heshiiyay in dalkiisu saami ku yeesho dekeddaha Suudaan. Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir ayaa aqbalay codsiga ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Toddobaadkana Abiy Ahmed wuxuu booqasho ku tagay dalka Kenya waxaanay madaxweynaha Kenya Mr. Uhurru Kenyata isla garteen in la casriyeeyo oo la horumariyo dekedda Lamu ee Kenya.

Somaliland saamayn ma ku yeelanayaan dekedahan cusubi?

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa u muuqda inuu ka faa’iidaysanayo tirada dadkiisa iyo dhaqaalaha wadankiisa ee xawaaraha ku koraya oo ay dalalka gobalku ku hirdamayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen suuqaas. Waxay Itoobiya u muuqataa inay qorshe labaad ku kordhisay saamigii ay ku yeelatay dekedda Berbera, qorshahaas oo ah inay saamiyo kale ku yeelato dekedaha kale ee gobalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo la weydiiyay aragtida xukuumadda Somaliland ee ku saabsan saamiga ay Itoobiya ka heshay dekedaha Djibouti, wuxuunu si kooban u yiri.

“Arinkaasi waa arin ka dhexeeya labadaas dal ee Jabuuti iyo Itoobiya, arin inaga ina khuseeya maaha, inagu teena ayeynu ka shaqaysanaynaa, Itoobiya Iyo Jabuutina waa laba dal oo aynu jaar nahay, oo xidhiidh fiican baa inaga dhexeeya, marka inaga xilkeenu waa sidii aynu u hagaajin lahayn Dekaddaheena, Waddooyinkeena iyo arimaheena, iyo sidii aynu ula tartami lahayn Dekaddaha kale ee ku yaala Badda Cas”.

Laakiin dad badan oo reer Somaliland ah oo aaminsanaa in saamiga 19% ee ay Itoobiya ku yeelatay dekedda Berbera iyo guud ahaan Somaliland uu u soo jiidayo suuq dhaqaale oo miisaan leh, ayaa hadda waxa u muuqata in saamiyadan kale ee ay Itoobiya ku yeelatay dekedaha gobalka ay saamayn ku yeelan doonaan qorshihii la rabay in Itoobiya ku isticmaasho dekedda Berbera ee Somaliland.

Weli si rasmi ah looma garanayo saamiyada ay Itoobiya ku yeelatay dekedaha gobalka marka laga reebo Berbera oo la baahiyay, waxaana socda wada hadalo ay guddiyo Itoobiyaan ahi kula jiraan wadamadan. Waxase si cad loo garan karaa in Itoobiya doonayso inay ciyaarto qorshe ka duwan qorsheyaashii hore ee ay dekedo gaar ah ku koobnaan dirty.