Xildhibaan Mahad Salaad oo arrin xasaasi ku eedeeyey xukuumadda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid xildhibaannada mucaaradka ah ee Soomaaliya, ayaa ku eedeeyey xukuumadda Soomaaliya arrin xasaasi, oo ah inay banneysay, raalina ka tahay gummaadka shacabka Soomaaliyeed.

Qoraal uu xalay soo dhigay bartiisa facebook, ayaa u qornaa sidan:-

Ciidamo isugu jira Mareykan iyo Ciidamo ay tababareen oo Soomaali ah ayaa mar kale ku xasuuqay deegaanka Macalinka ee Gobolka Shabeelada Hoose dad xoogsato ah oo ka xamaasha beeraha Gobolkaas. Qasaaraha dadkaas shacabka ah soo gaaray ayaa isugu jira 5 dhimasho ah, 6 dhaawac ah iyo 4 qofood oo iyaga oo nool la qafaashay!

Dhanka kale Xukuumada Soomaaliya ayaa si ay u mooro duugto dhibaatada loo gaystay dadkaas shacabka ah mar kale dafirtay in dadkaasi shacab ahaayeen. Lkn waxaa iswaydiin mudan sababta Xukuumada Soomaaliya mar waliba ku qasbaysa in ay u xalaaleyso Ciidamada Maraykanka gumaadka ay ka geysanayaan Gobolka Shabeelada Hoose?!

Waxaan ugu baaqayaa Goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay u guntadaan sidii loo baajin lahaa gumaadkaan lagu hayo dadka shacabka ah ee dabar goyntu ku socoto.

CUDUR DAARASHO: Waxaan ka cudurdaaranayaa inaanan halkaan idinkugu soo gudbin karin sawiro muuqaalkoodu aad u xunyahay oo laga soo qaaday dadkaas shacabka ah ee la xasuuqay.

Hon. Mahad Salad