Ma mooddaa in Puntland ay ku socoto wadadii Soomaaliland ee gooni-isutaagga?

Inta aanan u gelin ka hadalka wadada ay Puntland ku socoto oo runtii u muuqaal eg tii ay qaadday Soomaaliland dhowr iyo labaatan sano ka hor oo ay ku baadi-goobeysay cid dal ahaan u ictiraafta balse ay weysay sababo la xariira ducfi hayo doodda ay iibineyso. Aan bal marka hore ka waramo cidda Puntland dhistay iyo xiliga la dhiseyba, Taasi oo runtii sawir buuxa naga siin doonto maamulka aan ka warami doono.

Puntland, Ayaa la aasaasay sanadku markii uu ahaa 1998, Iyadoo aasaaskeedu ay qeyb weyn ku lahaayeen siyaasiyiin u badneyd jabhaddii SSDF ee aabaha u ahayd fitnadii ka dhacday dalkan ee ilaa maanta socoto. Inkastoo dhismaha Maamulku ay ka qeybgaleen Isimo, aqoonyahanno iyo dumar Soomaaliyeed, Hadana waxaa kaalin weyn ku lahaa siyaasiyiintii hogaamineysay SSDF oo aad ugu dhawaa maamulada Xabashida.

Sida la sheego, Puntland ayaa loo aasaasay labo ujeeddo oo midkood ay ahayd sidii loo raadin lahaa dowlad Soomaaliyeed oo nabad ku soo dabaasha dalkan ay colaaduhu ragaadiyeen, Balse taasi ayaan u dhicin sidii loo qorsheeyey maadaama ay Puntland noqotay caqabad cusub oo Soomaaliya ku soo korortay, Taasi oo horboodeysa nidaam (federalism) dalkan sii kala furfurayo, Islamarkaana aysan aqoon fiican u lahayn xitaa kuwii keenay sida hadaba muuqata.

Nidaamkani, Ayaa dalka ka aasaasay maamul goboleedyo u dhisan hab qabiil oo meelaha qaar xitaa kala qeybiyey hal magaalo sida Galkacyo oo kale, Taasi oo ay ku daateen dhiig badan oo uu nidaamkani sababay. Nidaamkan, Ayaa dalka ka abuuray jahawareer iyo dhibaatooyin cusub oo aan horay loo arag, Kuwaasi oo qatar gelinayo midnimada iyo madaxbanaanida dalka oo wax walba nooga muhiimsan marka laga reebo diinteenna.

Puntland, Ayaa noqotay caqabadda ugu weyn ee maanta hortaagan Soomaaliya, Taasi oo xitaa ka dartay maamulka Soomaaliland oo in muddo ah ku hadaaqayey gooni-isutaag iyo inuu dadka Soomaaliyeed kala qeybinayo maadaama ay Puntland soo saareyso siyaasiyiin uu qabiilku kala weyn yahay qaranimada iyo waliba Bulsho-weynta Soomaaliyeed, Kuwaasi oo ku shaqeynayo aragtida oroneysa: Cadyahow ku cunay ama ku ciideeyey sida hadaba muuqata.

Waxay kaloo Puntland noqotay caqabad hortaagan Dowladda Federaalka ee manta jirta, Taasi oo sharciyan loo igmaday inay dalkan hogaamiso, islamarkaana ay Iyadu la macaamisho dowladaha kale sida uu Dastuurkuba dhigayo. Laakiin taa waxa ay u cuntami la’dahay Puntland oo dooneysa inay garab socoto Dowladda Dhexe xilli ay wax walba kala cad yihiin. Xagee Dastuurku ka dhigayaa in maamul goboleed uu xiriirro caalami ah la sameysto dalal shisheeye !

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan cinwaan uga dhigay: Ma mooddaa in Puntland ay ku socoto wadadii Soomaaliland ? Anigu, Waxaan qabaa runtii in Puntland ay ku socoto wadadaasi Anigoo faahfaahin doona, Islamarkaana keeni doona waxyaabo badan oo daliil u ah doodeyda oo aan aamisanhay inay igu raaci doonaan Soomaali badan oo aad ula socoto Puntland iyo kuwa hogaamiyaba.

Sidan sheegeyba, Puntland waxa ay ku socotaa wadadii Soomaaliland oo sheegata inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale walow aysan jirin cid wili aqoonsatay. Marka aad u fiirsato habka loo qoray dastuurka Puntland iyo sida uu wali u waafaqsaneyn kan Dowladda Federaalka iyo waliba wasaaradaha la sameysanayo oo ay ku jirto wasaarad qaabilsan xiriirka caalamiga, Waxaa kuu soo baxayso in Puntland ay ku socoto wadadii Soomaaliland.

Sidoo kale, Marka aad u fiirsato hab-dhaqanka kuwa horbooda Maamulkaasi iyo xiriirada ay la sameysanayaan dowladaha shisheeye xilli ay dalka ka jirto dowlad dhexe oo la aqoonsan yahay, Waxad dareemeysaa in loo hamuunqabo wadadii Soomaaliland ee fooshaxumeyd. Mar waxaa la tagayaa Itoobiya, Iyadoo la isu soo dhaweynayo sidii in laga socdo dal madaxbanaan oo kale, Taa oo lagu dhiirigelinayo kala-dhantaalidda midnimada dalka.

Mar kale, Waxaa la tagayaa Imaaraadka Iyadoo la galayo heshiisyo waa weyn xilli ay joogto Dowladdii Dhexe oo qaabilsaneyd siyaasadda arimaha dibadda, difaaca iyo waliba socdaalka. Mar kale, Waxaa laga qeyb-galayaa shirar caalami ah, Iyadoo lagu andacoonayo waa nala casuumay, Taasi oo runtii ka dhigan in Soomaaliya ay ka jiraan dowlado badan oo kala madaxbanaan haba ku yaalleen hal dale !!

Waxaa kaloo jira waxyaabo badan oo ku tusinayo in Puntland ay ku socoto wadadii Soomaaliland hadiiba aysan ka qatar badneyn. Tusaale ahaan, Waxa ay awal isugu yeeri jireen maamulka Puntland. Ka dibna, Waxa ay bilaabeen inay isugu yeeraan dowladda Puntland. Halka ay hadda bilaabeen isticmaalka erey cusub oo halistiisa leh, Kaasi oo ah: dalka Puntland.

Tan iyo markii la dhisay, Gaar ahaan intii ka danbeysay xiligii Cabdlaahi Yuusuf. Puntland, Waxa ay ku socotay waddo aan waaqafsaneyn wixii dadka loo sheegay. Tusaale ahaan, Marka aad aragto heshiisyadii ay la galayeen dowladihii dalka soo maray sida Dowladdii Xasan Sheekh oo kale. Waxaad arkeysaa heshiisyo aad la yaabto oo qaarkood dhigayo in Puntland ay xubno ku darsaneysno wafti kasta oo ay Dowladda Federaala dirto.

Waxaa hadda waxaasi oo dhan ka daran in Puntland ay ku dhiiri-gelineyso maamul goboleedyada ka jira dalka sida midkan loogu yeero Jubaland oo kale inay u dhaqmaan sida ay Iyaduba u dhaqmeyso oo ay qaraab tagaan. Taana waxaa u daliil ah ololaha uu Gaas wado. Sow midan arag shirarka la abaabulayo iyo kulamada ka socda Dubia ee loogu khidmeynayo mashruuca Imaaraadka ee mudamirka ah, Iyadoo ay joogto Dowladdi Dhexe!

Sow wax lala yaabo ma’ahan in nidaamdarro iyo fowdo la fidiyo, Iyadoo waliba la sheeganayo aqoon iyo dal-jaceyl ? Sow wax laga xishoodu ma’ahan inaad dowlado shisheeye la xiriirto Adigoo waliba hogaaminayo maamul lokol ah oo aan sharciyad u haysan howl noocaasi oo kale ah ? Sow khiraano qaran lagu tilmaami karo howlaha noocaasi oo kale ? Muxuuse sharciga u shaqeyneynin mise waxaan wali la gaarin xiligii la xisaabtami lahaa ?

Puntland, Waxay maanta noqotay khinjar sumeysan oo ay dowlado shisheeye ku dhibaateeyaan Dowladda Federaalka ee soo kobceysa. Waxay kaloo noqotay hoy ay isugu yimaadaan siyaasiyiinta dullaaleyda ah ee dooneysa inay xaraashaan ilaha dhaqaalaha ee dalka iyo waliba kheyraadka kale ee uu Wadanku leeyahay. Ma waxay u maleynayaan inay Villa Soomaaliya fadhiyaan Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid oo xaalkooda la ogaa ? Kallaa wallaahi.

Marka laga yimaado hagardaamooyinka iyo nidaamdarada ay Puntland calanka u siddo, Hadana dhinaca Maamulkaasi waa maamul ku fashilmay dhammaan arimihii loo igmaday. Tusaale ahaan, Wuxuu ku guuldareystay inuu ka gudbo nidaamka qabiilka ee hay’adihiisa lagu soo doorto xilli dhismihiisa laga joogo ku dhawaad dhowr iyo toban sano. Sanado qasaaro iga dheh.

Wuxuu kaloo Maamulkaasi ku guuldareysatay in uu deegaanadiisa ka difaacdo maamulka Soomaaliland oo dhul-ballaarsi ku jiray. Tusaale ahaan, Soomaaliland waxa ay Puntland kala wareegtay dhul ballaaran, Gaar ahaan intii uu Puntland hogaankeed iska wareejiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya AU Cabdulaahi Yuusuf ilaa ay Soomaaliland soo gaartay deegaan lagu magacaabo Tukaraq oo aan wax badan ka fogeyn caasimadda Puntland.

Anigu, Shaki iigama jiro in Puntland ay ku dhawaaqi doonto gooni-isutaag sida Soomaaliland oo kale wallow arinkaasi ay ka hor-imaan doonaan dadweynaha Soomaaliyeed ee deegaanadaasi ku dhaqan, Kuwaasi oo aan wax badan kala socon waxyaabaha ay karkarinayaan shaqsiyaadka horbooda Maamulkaasi. Waxaan kaloo shaki iiga jirin in wadaadaasi ay qaadi doonaan qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay Xabashida iyo Kenyaatiga wax ka dhisteen.

Waxaana qabaa in la joogo xiligii ay Dowladda Federaalku muujin lahayd haybaddeeda dowladnimo maadaama ay haysato taageerada dadweynaha Soomaaliyeed ee dal iyo dibad iyo waliba taageerada Caalamka. Waxaan kaloo qabaa in la joogo xiligii wax badan laga badali lahaa dastuurkan lagu cayaaray oo la xoojin lahaa awoodda Dowladda Dhexe, Si loo ilaaliyo midnimada, madaxbanaanida dalka iyo waliba sumcadda dadka Sooomaalida.

Ugu danbeyn. Waan qabaa runtii in Puntland ay ku socoto wadadii aan soo sheegay, Taana waxaa ka tarjumaayo hab-dhaqanka kuwa majaraha u hayo Maamulkaasi. Tusaale ahaan, Maxaa lagu fasiri karaa marka Adigoo maamul goboleed aad xiriiro caalami ah la sameysaneyso dowlado shisheeye, Xilli aad aqoon u leedahay nidaamka dowliga iyo waliba kan federalismka. Sow ma’ahan inaad dooneyso inaad go’do ama aad dadka lugoyso ? Jawaabtu waa haa. Ha dhaco shisheeye kal-kaalka.

W/Q: Maxamed Ibrahim
iidka1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid