Sawirro: Kheyre oo kulan khaasa la qaatay madaxda hay’adaha ammaanka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa Xalay  kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ammaanka iyo Masuuliyiin kale.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Kheyrre, ayaa inta uu halkaasi ku sugnaa wuxuu la kulmay Saraakiil iyo Ciidamo Boolis ah oo heegan buuxa ugu jira sida ay uga qayb qaadan lahaayeen adkaynta amniga Caasiamadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo dhan.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa xarunta Booliska waxay ku qabteen shir Jaraa’id oo ay uga hadleen howlaha ammaanka Muqdisho, iyagoo Ciidanka ammaanka faray in ay Gacan Bir ah  ku qabtaan nabad gelyada guud ee Gobolka Banaadir ayna u naxariistaan Dadka Shacabka ah.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa ciidanka Millitariga ku amray in ay ku sugnaadaan xeryahooda, wuxuuna ka dalbaday in aysan arbushaad ku sameyn howlaha xasilinta, lana shaqeeyaan ciidanka ammaanka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Kheyrre, ayaa u mahad celiyay dhammaan Ciidamada Qalabka sida ee ka qayb qaadanaya sugidda amniga Caasimadda Dalka, wuxuuna faray inay muujiyaan dhabar adayg iyo feejignaan dheeri ah maaddaama la guda galaya Bisha barakaysan ee Ramadaan.