Sawirro: Senator Ilyaas Cali Xasan oo jaaliyadda London warbixin siiyay

London (Caasimada)- Senator Ilyaas Cali Xasan ahna guddoomiyaha guddiga kheyraadka qaranka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee aqalka sare oo maalmahaan howlo shaqo ugu sugnaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee London u sameysay soo dhoweyn ballaaran.

Munaasabadda soo dhoweynta oo ay soo abaabuleen jaaliyadda Soomaalida London ayaa waxaa halkaasi jaaliyada kula hadlay Senator Ilyaas oo warbixin ka siiyay xaalada dalka iyo isbadaladii u danbeeyay ee ka dhacay dalka, isagoo sheegay in xaalada dalka ee xiligaan inay tahay mid rajo iyo yadadiilo leh.

Wuxuu Senator-ka kula dardaarmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK in ay ka qeyb qaataan horumarka dalka iyo sidii ay u taageeri lahaayeen, isagoona amaanay doorka muuqda ee qurba joogta ka qaateen horumarka ka socda dalka.

Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa maalmahaan ku sugnaan doono London, isagoo u timid howlo shaqo, waxaana uu sidoo kale habeenka Axada uu ka qeybgeli doonaa xaflad lagu soo dhoweyn doono doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka federaalka Maxamed Mursal oo lagu qaban doono London.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada, London
Muxiyaddiin@hotmail.com