Shariif Xasan oo safar qarsoodi ah ku yimid London, kulana kulmay Sheekh Shariif

London (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa safar qarsoodi ah oo aan laga war qabin ku yimid magaalada London ee caasimada UK, halkaasi oo uu ku sugnaa mudo labo cisho kaliya.

Safarka Sharif Xasan oo ahaa mid qarsoodi ah oo aan laga war qabin ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan, iyadoo mudadii labada cisho ee uu ku sugnaa kula kulmay saraakiil caddaan ah oo ka tirsan laamaha dowladda UK.

Lama oga ujeedada socdaalka iyo waxa ay ka wada hadleen saraakiishaasi, hase ahaatee warar hoose ayaa waxay sheegayaan in socdaalka Shariifka uu la xiriiro howlo horumarineed oo dowladda UK uu ka doonayay iyo ballan qaadyo u dhaxeeyay labada dhinac.

Dhanka kale, waxaa uu Shariif Xasan kula kulmay magaalada London madaxweynihii hore ee Somalia, Sheekh Sharif Sheekh Axmed, iyadoo kulamadooda la ogeyn inuu ahaa mid xiriir la ah socdaalka Sharif Xasan uu ku yimid London. Hase ahaatee Sheekh Shariif ayaa Jaamacadda Oxford waxbarasho ugu socotaa.

Dhanka kale, socdaalka Shariifka ayaa kusoo beegantay xili magaalada Baydhabo ay gaareen saraakiil ka socota dowladda Ingiriiska, kuwaasi oo tababari doona ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.