Mas’uuliyiinta DF oo loo diiday hubka kadib amar cusub oo kasoo baxay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Xukuumada Somalia Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa mar kale digniin u kala diray mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada ee Hubka kala duwan isticmaala iyo ciidamada amaanka.

Wasiir Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle), ayaa waxaa shirkiisa Jaraa’id ku barbar taagnaa Taliyeyaasha ciidanka xoogga, Nabad sugidda iyo Booliska, waxa uuna amar ku bixiyay inaanu magaalada Muqdisho lagu arki Karin gaari ay saaran yihiin afar qori kabadan.

Wasiirka amniga ayaa sheegay in habacsanaan ay ku timid go’aano ay horey u soo saareen Golaha Wasiirada oo la xiriiray in mas’uuliyiinta dowladda ay magaalada dhexdeeda ku wadan karin wax ka badan afar qori.

Bishii May Sanadkii tegay ee 2017 ayaa ammarkaan waxaa horay looga soo saaray shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda Soomaaliya, waxaana Wasiir Islow uu markale sheegay in Magalada Muqdisho aan lagu arki Karin dad wata hub farabadan oo uu ku jiro Gaadiidka qoraha ku rakkiban yihiin ee Cabdi bilaah loo yaqaano.

Waxa uu sheegay in qof walba oo masuul ah lag doonayo in uu istaaf ahaan u wato ilaa 4 Askari oo qoryaha fudfudud ah sida AK47,isla markaana aan loo ogolaan doonin in ay ka badsadaan,sidoo kale qoraga loo yaqaano Dabajeexa aysan qaadan akrin.

Ducaalle, waxa uu mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada uga digay inay magaalada ku dhexqaatan wixii kabadan afar qori, waxa uuna sidoo kale digniin u diray ciidamada Hubeysan ee magaalada dhex socda iyagoo lugeynaaya.

Gaadiidka ciidamada ayuu sidoo kale ka digay in si maalayacni ah loogu dhexwado gudaha magaalada Muqdisho, waxa uuna arrintaasi dardar galinteeda ugu baaqay Taliyayaasha ciidamada.

Sidoo kale, shacabka magaalada Muqdisho ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyan ciidamada amaanka, maadaama iminka ay nagu soo fool leedahay bisha ramadaan.

Haddalka Wasiirka amniga Soomaaliya Ducaalle ayaa imaanaya xili Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu dalbaday in wax laga bedelo amni darada ka jirta Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com