Taliyaha ciidanka xoogga oo amar adag kusoo rogay ciidamada militeriga

Muqdisho (Caasimada Online) –Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. C/wali Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa soo saaray amar ciidan oo si gaara ugu socda ciidanka Millitariga ee kudhaqan magaalada Muqdisho iyo daafaheeda.

Taliye Gorod, ayaa ciidamada Militeriga ku amray in ay ku sugnaadan xeryahooda, wuxuuna ka dalbaday in aysan arbushaad ku sameyn howlaha xasilinta caasimada, lana shaqeeyan ciidanka ammaanka.

Taliyaha Ciidamada xoogga ayaa sheegay in Ciidamada sugaya amniga mooyee in ciidamo kale aan magaalada lagu arki karin waxa uuna ugu baaqay in qof walba oo askari ah uu ku ekaado halka uu ku Shaqeeyo.

Waxa uu Taliyaha ciidamada Xoogga tilmaamay in askarigii lagu arkaa Muqdisho, isaga oo hub ku dhexwata ay ula dagaalami doonaan sida qof lid ku ah amniga, maadaama uu jabiyay awaamiirta la faray ciidamada Militeriga.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa Saraakiisha Militeriga faray inay ku amar galaan awaamirtiisa ku aadan xakameynta ciidamada Xoogga, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Saraakiisha wax laga weydiin doono Askarigii ay waxyeelo kusoo gaarto magaalada Muqdisho xili uu jabiyay amarka.

Docda kale, Amarka kasoo baxay Taliyaha ayaa kusoo beegmaaya iyadoo ay dowlada Federaalka ah ee Somalia wado qorsho lagu sugaayo amniga guud ee magaalada Muqdisho

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com