Puntland oo joojisay shir ka dhan ah Imaaraadka oo ka dhici lahaa Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Laamaha ammaanka maamulka Puntland ayaa joojiyay shir xalay ka dhici lahaa Hotelka New Rays Two oo ku yaalla magalada Garowe ee caasimadda maamulkaasi.

Warqada casuumadda shirkan ayaa waxaa lagu soo qoray mawduuca looga hadli lahaa kulankan, oo ah damaca Imaaraadka iyo kala daadsanaanta Soomaaliya.

Ciidanka ammaanka Puntland ayaa tagay goobta, waxayna guddiga qaban qaabada ku amreen inuusan jirin wax kulan ah, waxayna ciidanka qaateen warqadihii ajendaha iyo casuumaadda, iyada oo aysan jirin cid loo soo xiray.

Ujeedka shirkan loo joojiyay ayaa waxaa lagu sheegay inuusan maamulka ka warqabin kulankan iyo waxa looga hadli lahaa, hada kahorna uu maamulka sheegay in ay muhiim tahay ka warqabista kulamada ka dhacaya gudaha magaalada.

Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabisay dhalinyaro reer Puntland ah, waxaana maamulka uu u arkay in looga soo horjeedo taageeradii Madaxweyne C/wali Gaas uu siiyay Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha maamulka Puntland oo maalmo kahor ka soo laabtay magaalada Abu Dubai ayaa waxa uu sheegay ka maamul ahaan in ay taageersan yihiin Imaaraadka oo aysan jirin cid ay ku doorsadaan, waxaana tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay soo ifbaxayay inuusan wanaagsaneyn xiriirka dowladda dhexe iyo Puntland.