Dhageyso: Xilka madaxweyne Xaaf oo shaki weyn la geliyey la iskuna hayo

Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaan Xasan Maxamed Gelle oo kamid  xildhibanada Galmudug horayna usoo noqday gudoomiyaha doorashadii madaxwaynaha Galmudug ayaa sheegay in qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug ay wadaan mudo kordhin aan sharciyeysnayn oo uu sheegay in ay u sameeynayaan madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Waxa uu sheegay in dastuurka Galmudug uu qabo in madaxweyne Xaaf uu dhameysto mudo xileedkii ka harsan madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Cabdikariin Xuseen Gulleed maadama sida uu sheegay madaxweynaha haatan talada haya uu ku yimid iscasilaad uu horey isku casilay Cabdikariin Guleed madaxweynihii hore Galmudug.

Dhinaca kale xildhibaan Xasan Maxamed Gelle ayaa eedeyn u jeediyay Senetaro ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada Galmudug kuwaas oo uu sheegay in ay xoogga saarayaan sidii madaxweyne Xaaf uu mudo kordhin u sameyn lahaa si buu yiri ay dib ugu soo laabtaan deegaan doorashadooda sanadka 2020.

Hadalka xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan warar soo baxaya oo sheegaya in muran uu ka taagan yahay mudo xileedka madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele “Xaaf” oo xildhibaano taageersan madaxweynaha ay doonayaan in ay mudo kordhin u sameeyaan madaxweynaha Galmudug.

Hoos ka dhageyso Wareysiga xildhibaanka Oo uu la yeeshay Zubeyr Sh.Cabdi