Jubbaland oo Xabsi dhigtay Gabar Facebuugeda ku taageertay Dowlada Somalia

Gedo (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in maaamulka Jubbaland uu Xabsi dhigay Gabar da’ yar oo la sheegay in Facebuugeda ay ku taageertay Dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Gabadhaani ayaa la sheegay inay magaalada Kismaayo ku xireen ciidamada maamulka, waxaana la tilmaamayaa in ciidamadu ay kala baxeen Hooygeeda.

Gabadhaani oo lagu magacaabo Sahro Maxamed Yuusuf ayaa mudo saddex maalin ah u xiran Maamulka Jubbaland, waxaana lagu eedeeyay in Erayo qiiro leh ku amaantay Dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Sahro Maxamed Yuusuf, ayaa Facebuuk ku qortay Erayo muujinaaya in Dowladnimadu tahay mid wanaagsan, isla markaana ay muhiim tahay in si wada jira loo taageero dowlada.

Qoraalada ay ku amaantay dowlada ee sababay xarigeeda ayaa waxaa kamid ahaa Erayo lid ku ah maamulka Jubbaland.

Sidoo kale, Mamulka Jubbaland ayaa horay dhowr mar u xiray dad bartooda facebook ku qoray erayo ka dhan ah maamulka Jubbaland,iyada oo taasi ay walaac ka muujiyeen Bulshada Magalada Kismaayo.

Dhinaca kale, maamulka ayaan weli ka hadal sababta ay u xireen Sahro Maxamed Yuusuf oo iyadu ku dhaqaaqday cabirida Fekerkeeda gaarka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Gedo

Caasimada@live.com