Israa’iil iyo Iiraan oo mindiyaha isku soofeysanaaya & Dagaal taariikhi ah oo qarka loo saran yahay + Warbixin

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa cambaaraysay “meelkadhaca aan geedka loogu soogabanin ee lagu sameeyay madaxbannaanida dalka Suuriya.

Hadalkaas ayaa noqonaya midkii koobaad ee ka soo baxa Iiraan tan markii ay dhaceen weerradii tirade badnaa ee Khamiistii lagu bartilmaameedsaday.

Iiraan ayaa ku taageertay Suuriya “Xaqa ay u leedahay inay is difaacdo” kaddib markii Isra’iil ay duqeymo cirka ah ku qaaday wax ay ku sheegtay inay ahaayeen dhismo milatariga Iiran ay ku leeyihiin gudaha Suuriya.

Arrintan wxay suuragalin karta dagaal dhexmara Israa’iil iyo Iiraan, kaasi oo horeseedaya burbur cabsi leh marka loo eego.

Dagaalka ayaa laga yaabaa inuu ku baaho dalalka Suuriya iyo Lubnaan. Magaalooyinka Israa’iil ayaa laga cabsi qabaa in la duqeeyo, maadaama ay bartilmaameed istaraatiiji ah u yihiin Iiraan.

Bilowga horeba, Ciidammada cirka ee Israa’iil ayay u badan tahay inay isku dhacaaan xoogaga Iran iyo xulafadeeda ee Xisbullah.

Waa colaad u baahan in laga hortago, waqtiga ku haboona uu haatan yahay. Si kastaba Israa’iill iyo Iran ayaa ah kuwa wali uu hardan ka dhaxeeyo.

Walaaca Israa’iil ay ka qabto Iiran

Israa’iil ayaa muddo dheer ka walaacsaneyd saameynta Iran ay ku leedahay gobolka ee sii kordheysa.

Loolanka oo si tartiib ah ku bilowday ayaa sannado badan soo socday waxa ayna Israa’iil ku dooneysa inay uga hortagto damaca Iran ay ku hormarineyso hubkeeda nuklerka, sida gantaalada ridada dheer iyo maraakiibta qaada lidka diyaaradaha oo Iran ay u dirto kooxda Xizbollah ee ku sugan Lubnaan.

Kolonyo gawaari ah ayaa la hakiyay waxaana la duqeeyay goobo ay ku keydsanaayeen hub badan oo ay Iran ay leedahay.

Balse dagaalka ka soconaya Suuriya ayaa waxaa sii huriyay ciidamada ay taageerto Iran ee joogo xuduudaha waqooyi ee ku dhaw Israa’iil, iyo kooxda xulafada la ah ee Xisbullah.

Haraaga gantaalada ridada dheer oo lag helay Lubnaan kaddib duqeymo cirka oo Israa'iil ay qaaday

Taageeradda Iiraan ay siiso dowladda Suuriya

Iran oo si xooggan u taageerta xukuumadda madaxweyne Bashar al Asa dee Suuriya iyo Ruushka oo dhanka duqeymaha ka kaalmeeya, ayaa u suuragaliyay madaxweyne Bashar inuu sii joogo waddanka, haatanna Tehran waxa ay dooneyso inay ka faa’iideysato taageeradeeda Suuriya.

Iran ayaa si weyn uga soo horjeedo dowladda Yahuuda ee Israa’iil waxa ayna muddo dheer taageereysay kooxo xagjir ah oo loogu talgalay in lagu burburiyo.

Bilihii lasoo dhaafay, Israa’iil ayaa sheegtay in laga sameeyay Suuriya kooxo kala duwan o taabacsan Iran, goobo hubka lagu keydiyo, barkoontaroolo, iyo saldhigyo cirka ah.

Xiisadahan cusub ayaa waxaa sababay duqeyn ay Israa’iil u geysatay 9 bishi April diyaarad nooca duuliyaha aan lahayn ah, oo laga leeyahay Iran, taasi oo ku sugneyd saldhiga T-4, ee Palmyra, halkaasi oo la sheegay inay ku dhinteen dhowr lataliyeyaal milatari ah oo Iran u dhashay.

Iran ayaa balan qaaday inay ka jawaabi doonto weerarkaasi tan iyo xiligaasina waxaa dhacay falal kala duwan oo u muuqday dadaallo Israa’iil ay ku fashilineyso falcelinta dalka Iran.

Waxaa dhacay weerarro cirka ah oo ciidammada Israa’iil ay ku qaadeen goobo dhulka hoostiisa ah oo ay ku keydsanaayeen gantaallo, halkaasi oo ay ka dhaceen qaraxyo culus oo kormeerayaasha caalamiga ah ay u diiwaangaliyeen sida dhulgariir oo kale.

Maalmo yar uun ka hor, Israa’iil ayaa sheegtay inay duqeysay goobo ay yaaleen gantaallo loo diyaariyay in lagu garaaco.

Ciidamada Isra'iil ee heysta buuraha Golan ayaa heegan buuxa la galiyay habeenkii Tallaadada

Duqeymaha cirka ay Israa’iil ku qaaday saldhigyada Iiraan

Balse habeen hore Iran ayaa 20 gantaal la gaftay saldhigyo milatari oo Israa’iil ay ku leedahay buuraha Golen.

Israa’iilna waxa ay sheegtay inay burburisay goobihii laga soo tuuray gantaladaasi.

Bartilmaameedka ayaa ahaa saldhigyo milatri oo Israa’iil ay leedahay balse aysan ahayn goobaha ay ku nool yihiin dadka shacabka.

Labo afhayeen oo u kala hadlay labada dhinac ayaa ku adkeysanaya in aysan dooneyn colaad sal balaaran.

Wasiirka Israa’iil ee gaashaandhiga Avigdor Lieberman, ayaa xusay in: “Cidina aysan dooneyn in colaadu baahdo- xaqiiqdii cidna ma dooneyso dagaal.”

Sikastaba , Mr Lieberman ayaa cadeeyay in Israa’iil aysan marnaba ogolaan doonin inay aqbasho in Iran ay dhigato difaaca gantaalada lidka diyaaradaha oo casri ah gudaha Suuriya, kuwaasi oo gaaraya hawada Israa’iil suuragalin kara inay hakad galiyaan duulimaadyada hawada ee Israa’iil.

Difaca hawada ee milatariga Suuriya

Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeymo ay qaaday Israa’iil kolsii horeysay ay burburiyeen gantalada difaaca hawada Iran ee gudaha Suuriya.

Israa’iil ayaa xiratay khadka cagaaran, waxaana iska cad inaysan ka laaban doonin go’aankeedaasi ay ku difaaceyso hawadeeda.

Dalalka ugu quwada badan caalamka ayaanan wali soo faragalinin labada dhinac ee Israa’iil iyo Iran.

Ruushka iyo Iran ayaa waxaa ka dhaxeeyo xiriir, labada dhinacna waxa ay taageeraan xukuumadda Bashar al Asad- balse sidoo kale waxa uu isfaham ka dhaxeeya ra’iisal wasaaraha Israa’iil iyo madaxweynaha Ruushka.

Illaa iyo haatan Ruushka waxba kama uusan qabanin inuu xaddido dhaqdhaqaaqa xuriyada ciidammada cirka ee Israa’iil ee hawada dalalka Lubnaan iyo Suuriya.

Saameynta Washington ay ku leedahay gobolka Bariga Dhexe ayaa hoos usii dhaceysa.

Ka bixitaanka maamulka madaxweyne Trump ee heshiiska nuklerka Iran ayaa waxa ay u arki doontaa Iran calaamad muujineysa in dagaal uu yahay lama huraan.

Inta ay arrintu sidaan tahay, ayaana Iran waxa ay u arki doontaa ficilada Israa’iil ifafaalo dheeraad ah oo muujinaya waxa uu damacsan yahay Mareykanka.

Waa xaalad sawir aan fiicneyn ka bixineysa mustaqbalka dhaw ee Bariga Dhexe, oo waxaa suuragal ah inay sii socdaan duqeymaha cirka iyo falcelinta ka dhasha lidka diyaaradaha ee Iran.

Iiraan oo aargoosi ka sameyn doonto dalalka dibedda

Halista keliya ee muuqata ayaa ah in Iran ay suuragal tahay inay dooneyso in ay aargoosi ka sameyso meel ka baxsan Bariga Dhexe.

Kooxaha taabacsan Iran ayaa horey u weeraray dalxiisayaal u dhashay Israa’iil oo ku sugnaa dibedda iyo ururada yahuuda eek a howlgala Latin America.

Weerar argagixiso oo guuleysta oo noocaan ah ayaa xaalada beddeli kara, waxa uuna ku qasbayaa Israa’iil iyo Iran inay qarka u fuulaan dagaal buuxa oo ka dhex qarxa.

ISHA BBC