Sawirro: Dad ku dhamaday Gaari Cagafa oo ay ugu kala gooshayeen xaafadaha Beledweyne

Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaa uu ku rogmay gaari Cagaf ah oo ay saarnaayen dad shacab ah.

Cagafta ayaa ku rogmatay xaafadda Xaawo-taako, gaar ahaan halka lagu magacaabo Buundo-Koowaad, waxaana ku dhintay ku dhawaad 10 ruux.

Dadka la socday Cagafta ayaa isaga kala gooshayay magaalada oo mar kale ay daadad ku dhufteen, waxaana dadka dhintay kamid ahaa Sheekh si weyn looga yaqaan magaalada oo lagu magacaabo Sheekh Suleymaan kana soo jeeda Qowmiyada Oromada.

Dadka saarnaa gaaariga oo ka badnaa ilaa 50 qof ayaa ka yimid deegaanka loo barakacay ee CeelJaale iyaga oo ku sii jeeday qeybaha kale ee magaalada.