Sidee ayaa laga yeeli doonaa cidii jabisaa amarka cusub ee ay soo saartay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ‘’Ducaalle’’, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay amar dhanka amaanka ah oo la duldhigay Mas’uuliyiinta iyo ciidamada.

Wasiir Ducaalle waxa uu sheegay in dalka uu leeyahay nidaam iyo kala danbeyn sidaa aawgeed cidii u hogaansami weyday amarka  lagu xaqiijinaayo amniga Muqdisho, ay u aqoonsan doonaan shaqsi lid ku ah xasiloonida dalka.

Wasiir Ducaalle waxa uu carab dhabay inaan amar kale la duldhigi Karin kan Wasaarada Amniga, waxa uuna cadeeyay in amniga magaalada Muqdisho looga danbeyn doono kaliya ciidamada xasilinta oo laga soo kala xulay dhammaan Hay’adaha amniga dalka.

Waxa uu tilmaamay in jabinta amarka amniga lagu muteysan karo cawaaqib, sidaa aawgeed ay mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada iyo ciidamad aan qeybta ka aheyn Xasilinta la faraayo inay ilaaliyaan awaamirta.

‘’Ma dooneyno inaan ku xad gudubnaa shaqsi gaara, si aanu taa u dhicin waxaan dalbaneynaa in loo hogaansamo awaamirta amniga’’

‘’Ciddii lagu helaa jabinta awaamirta waxa ay dusha saaran doontaa wixii caqabad ah oo ay la kulanto, waxaan askarta aan qeybta ka aheyn ciidamada xasilinta uga digeynaa in gudaha magaalada ay la dhexmaraan Hub iyo darees’’

Wasiir Ducaalle, waxa uu sheegay in cid waliba lagula xisaabtami doono waxa ay geysato, waxa uuna ku celcelshay inaan la dhaliilsan awaamirta kasoo baxday Wasaarada amniga.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka amniga ayaa mas’uuliyiinta xilalka ka haya dowlada iyo kuwa ka tirsan ku amaanay u jilicsanaanta amarada kasoo baxa dowlada, waxa uuna faray inay la shaqeeyan isla markaana ixtiraaman ciidamada howsha wada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com