HESHIISKA NAIROBI – Buun ninkii xaday, halkuu ku yeerin lahaa ayaa la iska rabaa.!!

Ninka aad kabo ka nolonayso, kuwiisa ayaa la eegaa, ayay Soomaalida ku maahmaahdaa, waxaana taas loogu tusaale qaadan karaa heshiiska manta la sheegay in uu Nairobi ku dhex maray madaxweyne-sheegtayaasha Jubbaland. 

Marka aan u fiirsaday heshiiska ma ahan mid munaasab ah, marka laga eego qodobada ku qoran iyo waliba goobta lagu gaaray.  

Nimanka heshiiska galay ee kala ah Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Cabdirishiid Maxamed Xiddig ma aysan haysan awood maamul, ee waxa ay ku socdeen waxa ay ahayd rabitaan shacab isbadel u ooman, kuwaas oo xitaa u dhintay qaddiyadda isbadeldoonka, qaar kalena ay u dhaawacmeen, kuwana ku hanti beeleen. 

Dadkaas oo dhan waxey ku doodaayeen jubbaland cusub oo cadaalad iyo sinaan ka jirto . Maanta heshiiska ay qaateen ayagoo ilma adeero ah ma waxey xalaaleeyeen dooraashadii ku shubashada aheyd seddex qof ii keen oo midkaa ani rabo aa kala baxaa ama dhibka uu Axmed Madoobe ku haayo Kismaayo muddo 8 sano ah ayey usii xalaaleeyeen?.  

Maanta waxaan xasuustay qisadii Fircoon iyo nebi Muuse oo markuu Fircoon u wacay sixiroolayaashii oo uu ku yiri haddaa ka guuleesataan Nebi Muuse abaal marin baa leedihiin markii ay xaqqa arkeen ayey nabi Muuse raaceen , fircoona yiri sixirka waxaa idiin soo baray Muuse (إِنَّهُ لَكَبِيرُكُمُ الَّذِي عَلَّمَكُمُ السِّحْرَ ). Nimankaas sixiroolayaasha ahaa waxey iska diideen abaalmarino iyo hanti ayagoo xaqqa u hiiliyey  balse maanta Seeraar iyo Xiddig waxey lumiyeen fursad ay xaqqa ugu hiiliyaan. Xaqqa iyo baadilka lama fiiriyo qof horboodaya ee waxaa lagu gartaa in lagu dhaqmo xaq ahaantiisa. 

Maanta waraaqaha lagu kala qortay Nairobi  qofna guul uma ahan shacabka Jubbaland guul uma ahan. Xiddig waddada uu maanta qaaday waa isla waddadii Cabdi Ali Raage oo daacad u ahaa Axmed Madoobe waqti adagna isla soo mareen iyo daruufo badan ugu dambeyntiina banaanka loo tuuray. 

Seeraar Kismaayo uu u socdaa waxaa ka horreeya Macalin Maxamed oo Axmed Madoobe kari waayey oo dadka beeshiisana u roon iyo Cabdirishiid Jire oo qiblada u toosiyo Axmed Madoobe . Nimankaasna waxey u qabtaan Axmed Modoobe ka badan uma qaban karo .   

Hadda lama joogo waagii Guuleed oo ahaa wasiirka federalka laga qaaday oo Mursal Geelle la keeyey go’aankana lahaa Axmed madoobe maantana lagama yaabo In Oomar laga qaado xilka oo Seeraar laga dhigo wasiirka.

Bin Salman-ka Sucuudiga waa kii qaarijiyay Jamaal Khaashuqji oo fikirkiisa kasoo horjeeday, balse su’aal fikirkii miyuu baaba’ay?, waa maya jawaabtu.  

Dhanka kale marka heshiiska loo fiirsado, waxaa ka muuqata niman is dhiibay oo la qasbay, ama niman hunguri ama qabyaalad ku badeshay fikirkii isbadel-doonka ee ay u taagnaayeen. Sababtoo ah qodob kasta oo heshiiska ku qoran waa mid u danaynaya Axmed Madoobe. 

Halka qodob ee ah in golaha wasiiradda wax looga soo darayo, ma cadda qoondada ay ka helayaan, iyo waliba wasaaradaha ay helayaan, waxaa intaas usii dheer in lagu lug xirey qoondada beelaha hoose ee ay kasoo jeedaan.  

Cilladda kale oo malaha ah tan ugu weyn ee uu heshiiska leeyahay ayaa ah in dowladda Federaalka aysan ka warqabin, waxna ka saxiixin. Marka waxaa isweeydiin leh, heshiiskan halkee lala tagi doonaa.  

Gunaanadka waxa uu kusoo biyo shubanayaa, maahmaahda ah : Buun ninkii xadday, halkii uu ku yeerin lahaa ayaa la’iska rabaa

  • Cabdulqaadir Cabdillaahi Maxamed – Waa agaasimahii horey ee maaliyada Jubaland iyo garoonka diyaarada Kismaayo. Waxaad kala xiriiri kartaa emailka: aamkadir@yahoo.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid