Heshiiskii doorashada oo muran uu soo galay kadib shuruud cusub oo uu la yimid Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qaaday tallaabo keeni karta in heshiiskii doorashada ee dhowaan la gaaray uu dhanka Jubaland ka burburo.

Axmed Madoobe oo maanta furay kal-fadhigii saddexaad ee golaha wakiilada maamulkaasi, ayaa khudbad uu ka jeediyay waxa uu kaga hadlay xiisadda gobolka Gedo, wuxuuna isku xiray xiisadda gobolka iyo qabsoomidda doorashada ee gobolkaas.

Axmed Madoobe ayaa qaba in xal laga gaaro arrimaha xiisada gobolka Gedo oo ay si weyn iskugu hayaan dowladda dhexe iyo maamulkiisa, ka hor inta aan la galin doorashada xildhibaanada federaalka.

Wuxuu kale oo uu wacad ku maray inaysan doorasho ka dhaceyn deegaanka gobolkaasi looga asteeyay inay ka dhacdo doorashada, haddii aysan dowladda federaalku kala bixin ciidmadeeda ka jooga gobolka Gedo.

Magaalada Garbahaarey ayaa ka mid ah laba magaalo oo Jubaland ah oo loo asteeyey doorashada, ayada oo magaalada labaad ay tahay Kismaayo.

Hadalkan ayaa imanaya xili la filayay in xal laga gaaray xiisada Gedo, oo ugu horeyntii uu miiska wada-hadalka uu Farmaajo ula tagay Axmed Madoobe, inkasta oo aysan si dhan ah u cadeyn qoddobada la iskala meel-dhigay xal ka gaarida xiisadaasi.

Arrintan ayaa sidoo kale markale dib u istaadhi karta xiisada dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo muddooyinkii dambe u muuqatay mid xal laga gaaray.

Axmed Madoobe ayaa ugu sheegay inuu xal u raadinayo dhibaatada ka taagan gobolka Gedo, isla markaana uu ogol yahay inuu wada xaajood la galo cidkasta oo xiisadaasi ku lug leh, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay dowladda federalka.

Axmed Madoobe ayaa degenaan la’aanta gobolka Gedo iyo xal ka gaarid la’aanta xiisadaasi dusha u saaray dowladda federaalka oo uu sheegay in dhinaceed uu ka jiro gaabis badan.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu si weyn u bogaadiyay dadaalka ay wado Wasaarada Arimaha gudaha Jubaland ee lagu dhisayo golaha deegaanka degmooyinka, isagoona xusay in dhawaan la bilaabi doono dhismaha golayaasha deegaanada degmooyinka gobolka Gedo.