Maamulka Tigrayga oo ka baxay dowladda Ethiopia

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xubnaha xilalka ka haya dowladda dhexe ee kasoo jeeda Tigrayga ayaa dhamaantood lagu amray inay iska casilaan xilalkaasi, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin xildhibaannada deegaankaasi ka soo jeeda ee ku jira federaalka.

Ismaamulka Tigray-ga waxa uu shaaciyey inaysan aqoonsaneyn Baarlamaanka Federaalka (Golaha Shacabka iyo Golaha Federaalka) kadib markii uu wakhtigooda ka dhamaaday shalay oo ahayd 5-ta October.

Maamulka Tigrayga ayaa intaas ku daray inaysan la shaqeyn doonin xukuumada Ra’isal wasaare Abiy Ahmed, waxayna sheegeen inay lasii shaqeyn doonaan Militariga iyo Golaha Garsoorka Itoobiya oo kaliya!

Amarkaasi ayaa sida la sheegayo waxa uu kasoo baxay xisbiga xoreynta shacabka Tigreyga (TPLF), kadib markii ay iskugu yimaadeen kulan ay kaga arrinsanayaan xaalada guud.

Kulankaasi ayaa qeyb ka ahaa qorshe socda, kaasi oo lagu rabo in Tigraygu uu gebi ahaanba uga baxo dowladda federaalka, oo uu muddooyinkii dambe uu kala dhaxeeyay khilaaf xoogan, wuxuuna arrinkan saameyn doona xubnaha ku magaacaban xilalka dowladda dhexe, golayaasheeda wakiillada shacabka iyo golaha Federeeshinka.

Getachew Reda, oo ka mid ah xubnaha guddiga fulinta ayaa sheegay in go’aankan uu daba socdo muddo xileedka dhamaaday ee baarlamaanka Itoobiya, kaasi oo ku ekaa maalintii shalay.

Wuxuu ku doodaya in xukuumadii uu soo dhisay baarlamaankaasi ay hadda tahay sharci darro, maadama uu dhamaaday muddo xileedkooduu oo ahaa shan sanno.

“Kulanka wadajirka ee sanadka 6-aad oo ay maalinti shalay ahayd ku yeesheen magaalada Addis Ababa xubnaha labada aqal ku matala deegaanka Tigrayga kama aysan qayb gelin,” ayuu yiri

Wuxuu intaas kusii daray “Xildhibaannada deegaanka Tigrayga ka soo jeeda waxaa loo sheegay iney kulankaasi isaga baxaan. Baarlamaanka oo keli ah ma aha waxa amarka la siiyey, balse dhammaan xubnaha deegaanka Tigreega ugu jira qaab dhismeedka dowladda dhexena sida oo kale ayaa lagu amray.”

Arrintan ayaa dab kusii shidi karta xiisada ka dhaxeysa dowladda federaalka iyo Tigrayga, inkasta oo ay si dhab ah u cadeyn in xubnaha la faray is casilaada ay fulin doonaan.