DF oo ku dhowaaqday go’aan lama filaan ah oo la xiriira warbaahinta dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta markii u horeysay shaacisay in hadda wixii ka dambeeya warbaahinta dowladda loo bedelay warbaahin dadweyne, taasi oo meesha ka saari doonta faquuqii mucaaridka.

Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray ‘Adeega Warbaahinta Dadweynaha’, oo meesha ka saari doonto qaabkii hore ee ay warbaahinta dowladdu u shaqeyn jirtay.

Wasiirka ayaa sheegay in hadda kadib ay warbaahinta dowladda federaalku baahin doonto wararka kala duwan ee mucaaridka, muxaafidka ah iyo weliba arrimaha kala duwan ee dadweynaha.

Wuxuu sheegay in arrintaasi ay saameyn doonto warbaahinada gaarka ah ee maamulada dalka oo iyagana looga baahan yahay inay ku dhaqmaan siyaasad cusub ee loo dejiyay warbaahinta dowladda.

“Warbaahinta qaranku waxay noqon doonta warbaahin dadweyne, oo marka u horeysa u adeegta dadweynaha, taasi oo gudbin doonta fikirada kala duwan ee dadweynaha,” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Arrintan ayaa imaneysa xili xal laga gaaray khilaafkii ka taagna arrimaha doorashooyinka, isla markaana uu hoos u dhacay guuxi siyaasadeed ee mucaaridku uu ka waday dalka.

Tallaabadan oo kale ayaa waxa hore u qaaday xukuumada Somaliland, oo iyaduna sheegtay in warbaahinta dowladda loo siman yahay, xili ay deegaanadeeda ka dhici doonaan doorashooyin isku dhafan oo wakiilada iyo golaha deegaanka ah.

Warbaahinada dowladda federaalka iyo kuwa maamulada dalka ayaa hore u ahaa kuwo baahiya aragtida madaxda u sareysa, iyada oo gebi ahaanba ay kasoo muuqan jirin fikirada mucaaridka, wallow ay taasi hadda u muuqato mid meesha ka baxday.