Shabakad ka ganacsata caruurta yar-yar oo lagu qabtay degmada Afgooye

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta gacanta ku dhigay rag lagu eedeeyey inay ka ganacsadaan caruurta yar-yar, kuwaas oo lagu qabtay gudaha magaaladaasi.

Raga la qabtay oo labo ah ayaa waxaa lagu xiray saldhigga Booliiska degmadaasi, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Sidoo kale laamaha amniga ayaa sheegay in xilliga la qabanayey raggaasi ay ku sugnaayeen goob laga raaco gaadiidka dadweynaha, islamarkaana ay gaari saarayeen gabar ay soo afduubteen, taas oo ka maqneyd reerkeeda, islamarkaana  la raadinayey.

Saraakiisha amniga Afgooye ayaa sidoo kale tilmaamay in ragga la qabtay ay qirteen inay ka tirsan yihiin shabakad ka ganacsata caruurta yar-yar.

Waxa kale oo ay saraakiishu intaasi ku dareen in gabadha yar ee hadda laga soo bad-baadiyey raggaas ay ku qaateen lacag gaareyso illaa 500 oo Dollarka Mareykanka ah.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in raggan ay muddo ah fog ku jireen howlaha lagu soo qabtay ee la xiriira caruurta la xado.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay walaac dhinaca caruurta ah uu ka taagnaa meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, waxaana isa soo tarayey wararka sheegaya inay jiraan shabakado ku lug leh dhadooyinkaasi iyo in la xado caruurta yar-yar.