Muqdisho: Hay’ad loo sameeyay inay maamusha lacagaha DF ay ka hesho deeq bixiyaasha (Warbixin iyo Cod)

Muqdisho (Caasimada Online) Kulan ay shaley ku yeesheen dowladda Soomaaliya, danjirayaasha u fadhiya caalamka Soomaaliya gaar ahaan kuwa deeq bixiyaasha iyo Bankiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay hey’ad si kooban u maamusha deeqaha la siiyo dowladda.

Hey’addan ayaa loogu talagalay in ay la socoto dhaqaalaha deeq bixiyaasha ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii lagu xoojin lahaa hay’adaha dhaqaalaha Soomaaliya, iyo sidii lagu ogaan lahaa dhaqaalaha Soomaaliya la siiyo iyo halka ay ku baxaan.

Madaxweyanha Soomaaliya oo ka mid ahaa madaxda ka qaybgashay kulanka ayaa yiri :- “Halkan waxa ka dhacay maanta kulan ay yeesheen dowladda Soomaaliya safiirada deeq bixiyaasha iyo Bankiga Adduunka Waxa ugu muhiimsan oo laga hadlaayay ayaa waxa ay ahayd Soomaaliya sida looga saacida lahaa dhaqaalaha ama beesada iyo siddii Soomaaliya u yeelan lahayd hay’addo maamula beesada dowladda oo loo xoojin lahaa”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in hey’addan loogu talagalay siddii loo heli lahaa hal meel oo lagu shubo beesha dowladda ay ka hesho deeq bixiyaasha isla markaana la isku ogyahay, inta la dhisaayo hey’addaha dowladda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in arrintaas ay tahay siddii loo dhisi lahaa wasaaradda maaliyada, Bankiga Soomaaliya, xisaabiyaha guud iyo hanti dhowraha dowladda.

Hey’addan ayaa lagu magacaabaa Special Faience Facility (SFF)  waa hey’ad loogu talagalay in ay muddo kooban shaqeyso inta hey’addaha Soomaaliya ee Public Finance laga dhisaayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in hey’addan cusub shaqadeeda ugu wayn uu yahay in lacagaha deeq bixiyaasha ay bixiyaan in ay maamusho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in isfaham wayn uu dhex maray dhammaan dhinacyadii ka qaybgalay shirka oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Soomaaliya oo hadda leh dowlad rasmi ah, ayaa dhawaan beesha caalamka ka codsatay in si toos ah lacagaha ay bixinayaan deeq bixiyaasha ay gacantooda ku soo simaan, arrintaas oo la diidday.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaalaha ugu badan waxa uu ka soo gala waddamada deeqbixiyaasha.

Shirkii shaley waxa ka qaybgalay dajirayaasha waddadamada Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Jabaan, Talayaniga, Turkiga, Denmark, Norway, Sweden, Finland, Bankiga Adduunka iyo ururka G7 iyo Qaramada Midoobay.

Dhageyso hadalka Madaxweynaha

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho