WAR CULUS: Raila Odinga oo amray inaan Soomaalida Islii dib loogu celin xeryaha qaxootiga (Wareysiyo)

Ra’iisul wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga  ayaa Amray in aan Dadka Soomaalida ee qaxootiga ah aan Xeryaha lagu Celin

Hadalkan kasoo yeeray Ra’iisal Wasaaraha Kenya waxa VOA u xaqiijiyey Mudane Faarax Macallin, ku-xigeenka baarlamaanka Kenya oo sheegay in go’aankii la sheegay in dadka qaxootiga ah lagu celinayey uuna ahayn mid maray wadaddii sharciga ahayd ee dawladda.

Dhinaca kale, waxa jira dad wali ka tageya magaalada Nairobi oo, ama dalka Somalia ku noqonaya, ama xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Wareysiyo arrimahan ku saabsan oo ay sameysay idaacadda VOA  hoosta ka dhageyso.

Wareysiyo la Xiriira Soomaalida Kenya