Hibo Nuura oo codsatay dibada loo qaado Fannaan Cabdi Tahliil Warsame

Muqdisho (Caasimada Online) Fannaanada qaran ee Hibo Maxamed Cuddoon (Hibo Nuura) oo dhawaan soo gaartay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay dibadda u qaado fannaanka caanka ah ee Cabdi Tahliil Warsame oo hadda magaalada ku xanuunsanaya.

Hibo Nuura ayaa sheegtay in ay ka xuntahay in loo waayo fannaan qaran daween dibadda ah iyadoo dalka ay ka jirto dowlad rasmi ah.

“Waa nasiib daro in fannaan nagu heer ah oo caan ka ah dalka in uu ka xanuunsanayo dalka iyadoo uu waayay daween dibadda ah” ayey tiri Hibo Nuura oo la hadashay Idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho.

Fannaanada ayaa ugu dambeen madaxda dowladda ugu baaqday in la daryeelo fannaaniinta oo ka mid kuwa qarax gaar ahaan kooxda Waaberi.

Dhinaca kale, Fannaanada oo markii ugu horeysay dib ugu soo laabatay dalka muddo ka badan 22-sanno ayaa sheegtay in magaalada ay ka socdaan dib u dhis xooggan.

“Annagu markii aan joognay dibedda waxaan u heesanay magaalada in ay ahayd magaalo lagu baaba’ay, balse magaaladu waa ay ka duwan tahay arrintaas in kastoo aad is lee dahay magaaladu waa magaalo Sunaami uu ka dhacay, magaalada hadda waxaa ka socda dib u dhis xooggan” ayey tiri Hibo Nuura.

Fannaanada ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay in ay ku soo laabato caasimada Muqdisho maadama ay in muddo ah ka maqneed.

Waxaana ay sheegtay in fannaaniin caana ah sida Qadro Daahir Cige iyo Cadar Kaahin ay mardhow imaan doonaan Caasimada Muqdisho.

si kastaba, magaalada Muqdisho waxaa ku soo qulqulaya fannaaniin caan ah kuwaas ka yimid waddamada qurbaha sida Britain iyo Maraykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com