Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya iyo siyaasadda ku dhisan xildoon iyo xoolodoon (Xog-warran).!!!

Hotelada Iyo Xildhibaanada

Dalka waxa soo maray Dowlado u badnaa KMG, marka laga reebo Dowlada hada jirto ee Xasan Shiikh tan iyo Bilowga Dowladahan waxa jiray in Xildhibanada inta badan ay degan yihiin Hotelada ama xitaa Madaxda kale ee Dowlada taas oo shacabka Soomaaliyeed su’aal ay galiyaan waxa qasbaya in Hotelada degaan iyaga oo wakiilo ka ah Shacabka Soomaaliyeed.

Deganaansha Hotelada ee Madaxda Dalka ka jirta iyo kuwii soo maray ayaa la rumaysan yahay in ay ku baxday , malaha kharash waxa badan u tari lahaa Ummadda ay Wakiilka ka yihiin.

Xildhibaanada Hotelada muqdisho Qaarkood dagan ayaa waxay diyaarinayaan mooshin sharci darro ka dhigaya Madasha oo dib loogala noqonayo 25 xildhibaan oo golaha uga mid ahaa madasha.

Xildhibaanada noocaas ah ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in looga hortago Madasha Wadatashiga Qaran iyo go’aanada ay soo saartay kadib markii xildhibaanadii ka qeyb galay shirarkii madasha ay si weyn uga caroodeen qaabka shirarkaasi u dhaceen

Ammaanka Caasimada

Ammaan ahaan Magaalada Muqdisho Dowlada ma aysan ku guulaysan wax ka qabashadeeda taas oo dad badan ay ku noqotay layaab iyo anfariir marka la eego qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho waxana tani loo arkaa in ay tahay waji cusub iyo xaalad kale oo dalka uu galayo.

Sugidda amaanka Magaalada waxa laga dhursugayay waxa ka qabashadeeda Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa AMISOM Walina ma muuqato wax badan oo ay ka qabteen taas oo loo fasiran karo in ay tahay boos kale oo banaan marka laga hadlayo amaanka halka uu gaarsiisan yahay waxana inta badan bartilmaameed laga dhigtay dadka u shaqeeya dawlada.

Su’aalaha u baahan ka jawaabista ayaa ah :

Maxay qabtaa Hay’adaha Dowliga ah sida Golaha Barlamaanka Iyo Xukuumada ­?

Qaabkee Dalka ay uga dhici kartaa doorashooyinka hadii ay sii socoto amaan darida sababta in dilalku ay sii socdaan ?

Waa Maxay waxa la gudboon Dowlada Federaalka Soomaalia marka laga hadlayo qorshaha ammaanka ?

Kaalinta Beesha Caalamka

Beesha Caalamka ayaa qorsheynaysa in hoggaamiyeyaasha Somalia ay meel dhex-dhexaad ah isugu yimaadaan marka laga hadlayo doorashooyinka dalka ka dhacaya. 1 Qaabka 4.5 ama Qaabka Deeganka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa Madasha ka dhex waday qorshe ay in baarlamaanka federaalka loo kordhiyo muddo 2 sanadood ah si loo dhameystiro sharciyada harsan, taasoo ay si weyn u diideen madaxda maamulada dalka, waxaana laga dareemayay guddoomiye Jawaari inuu si weyn uga carooday sida ay wax u wado Madasha Qaran.

Si kasta waxa ay shacabka Soomaaliyeed ay dhowrayaan in dalka ay ka dhacdo doorasho iyo qof codkii ah isla markaana ay ka qayb galeen dhinacyada wali saluugsan habka dalka doorasho loogu qaban karo.

Waxasa jira in Ummada Soomaaliyeed oo ku dhax nool dagaalada mudada 25-ka sano ka in Maskaxdooda ay ka guuxaysa   Hiigsiga 2016- iyo Siyaasada ku dhisan Xildoon Iyo Xoolodoon.

W.D Maxamed Maxamuud Caalim

Ka Faalooda Arimaha Siyaasada Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com