Wada-hadalka maamulka cusub ee Ogaadeen iyo Koonfur Galbeed oo lagu xiray 1 qodob oo adag

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Khaliif oo kamid ahaa Xildhibaanadii yagleelay maamulka Bakool sare, ayaa ka hadlay qeyla dhaan kasoo yeertay maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Cabdiwahaab ayaa sheegay in marnaba aysan suuragali doonin inay horfadhiistaan maamulka Koonfur Galbeed waxa uuna sheegay in haddii ay dhacdo wada hadal ay wataan hal shuruud.

Waxa uu Cabdiwahaab sheegay in shuruuda ay wataan ay tahay in maamulka Koonfur Galbeed aysan kusoo hadalqaadi karin in maamulka Bakool lasiinaayo xubinimo.

Cabdiwahaab waxa uu tilmaamay in aysan Maamulka Koofur Galbeed ula hadli doonin Xuquuq raadsi, ha yeeshee ay u wadahadlayaan sida laba Maamul oo jaar ah.

”Bakool sare maamulka Koonfur galbeed xil iyo wada hadal ugamabaahno, haddii ay Koonfur galbeed dooneyso wada hadal waxa ay usoo diyaar garoobayaan inaan u wada hadalno sida laba maamul oo jaar ah. haddii shuruudaasi meesha laga waayo micnuhu wada hadal ma jiro”

Shuruuda Xildhibaan Cabdiwahaab ayaa imaaneysa xili Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka Xukuumadda Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa uu ku baaqay in maamulka Koonfur Galbeed ay la fadhiistaan Xubnaha maamulka kaga dhawaaqay Gobolka Bakool.

Hadalkaas wasiirka kasoo baxay ayuu ku sheegay Xildhibaanku in uusan aheyn mid waddo saxan ku socda, iyaguna ay ula Hadlayaan Maamulka Koofur Galbeed sida Maamul deris la’ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com