SHARIIF Xasan oo naceybka qabyaalad ee GAAS iyo Axmed Madoobe u diidaya shirka Kismaayo!!

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul goboleedka K/Galbeed ee Soomaaliya ayaa lagu tirtirsiiyay inuusan ka qeyb gelin shirka madasha Qaran ee qaabka doorashada dalka 2016 oo la qorsheeyay inuu ka furmo magaalada Kismaayo 10-ka Janaayo 2016.

Qaar ka mida Xildhibaanada Federaalka ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay suuragal ahayn in shirka Kismaayo ay tagaan iyadoo dagaal lagu hayo maamulka Koonfur Galbeed, waxyaaa ku eedeeyeen Puntland iyo Jubba ay ka danbeeyaan qaska ka socda degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ee la sheegay in maamul la magac baxay Bakoolsare looga dhawaaqay.

Wararka ayaa sheegaya in Shariif Xasan ay u eg tahay inuu qaadan doono go’aan uusan uga qeyb-galaneynin shirkaas.

Xiriirka maamulada K/Galbeed oo dhinac ah iyo Puntland iyo Jubba oo dhinaca kale ah ayaa sii xumaaday markii labadan maamul ay qaab beeleed ku taageereen maamul laga sameeyay Ceelbarde oo ka horjeeda K/Galbeed.

Magaalada Kismaayo ayaa diyaargarow ugu jirta marti gelinta shirka madasha, iyadoo madaxweyne Axmed Madoobe uu Addis aaday kadib markii looga yeeray, waxaana lagu wadaa in arrimahan ay soo farageliso Itoobiya oo hadda noqotay halka laga xumo maamulada beeleed ee dalka ka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com