Shariif Xasan oo ka tashaday beesha Ogaadeen soona dhisay baarlamaanka Koonfur Galbeed..!!

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxeynaha maamulka koofur Galbeed ayaa soo dhameystiray Baarlamaanka Koofur galbeed “BKG”, oo ay ka harsanaayeen xubnaha matalaya beesha Ogaadeen ee dhawaan maamulka ka sameeyay magaalada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Shariif Xasan ayaa xalay soo dhameystiray baarlamaankiisa, waxaana xalay la dhaariyay 56 xildhibaan oo badankood kasoo jeeda deegaanada Yeed, Aato iyo Ceelbarde oo dhawaan maamul sameystay.

Xaflad lagu qabtay magaalada Baydhabo waxaa ka qeyb galay xubno ka socday wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya, urur goboleedka IGAD, xafiiska UNSOM iyo AMISOM.

Tirada guud ee xildhibaanada maamulka Koofur Galbeed ayaa la gaarsiiyay 145 mudane, waxaana uu ka badan yahay tirada horey loo qorsheeyay in baarlamaanka la gaarsiiyo.

Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa ka dalbaday xildhibaanada iney iska doortaan qofka ugu da’da weyn ayna sida ugu dhaqsiyaha badan u doortaan hogaanka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Shariif ayaa u muuqanaya inuu ka tashaday xubnihii dhawaan maamulka ka sameeyay deegaanada Bakool.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com