Soomaaliya oo loo sammeynayo xuduudo cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay iney sameyn doonto waxyaabo cadeynaya xuduudaha maamul goboleedyada ka dhisan dalka Soomaaliya, kadib markii ay bateen murunada dhanka xuduudaha ee maamul goboleedyada u dhaxeeya.

Gudiga xuduudaha iyo federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in sameynta xuduudaha maamul goboleedyada dalka ay wax badan ka qeyb qaadan doonaan in la yareeyo is qabqabsiga dhanka xuduudaha ee dhexmara maamul goboleedyada dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Xaduudaha iyo Federaalka Khaliif C/kariin ayaa Tilmaamay Guddiga Xaduudaha uu Arrintaasi dhaqsi u sameyn doono,waxaana uu Xusay in ay ka danbeysay kadib markii ay Isku dhacyo ka yimaadeen Muranka dhanka xaduudaha.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in wax Xaduudaha loo sameynayo aysan Aheyn Shacabka  Soomaaliyeed oo ay isku socon karaan,balse Maamul Goboleedyada lagu kala hagayo.

Soomaaliya oo Sanado ka hor qaadatay Nidaamka Federaalka oo aysan inbadan oo naga mid ah Fahamsaneyn ayaa waxaa Gobolada Qaar ka dhacay Dagaallo ku saleysan Dhanka Xaduudaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com