Hindisaha deyn-cafinta ee (HIPC) SOOMAALIYA ma u keeni karaa xasilooni waarta oo dhanka deynta ah?

Horaantii 1980-kii marka ay bilaabatay dhibaatada deynta(Debt Crisis), dalal badan oo faqri ah isla markaasna ah kuwa aadka u deymeysan(HIPC), waxaa ku adkaatay in ay bixiyaan deynt looga leeyahay dibada. Dallaka saboolka ah ee aadka u deymeysan(HIPCS) intooda badan waxa ay ka koobanyihiin dalalka Afrika kuwooda ka hooseeya saxaraha. In ay ku cuslaato bixitaanka deynta lagu leeyahay waxaa sabab u ahaa dhow shey oo isbiirsaday.

1- Hoos-udhac xaga ganacsiga dibada ah oo ku imaaday dalalkaan.

2- Xaladaha Cimilada dalalkooda oo ahaa kuwo aad uxun.

3- Dagaalo so-keeye inta badan dalalkooda ka jiray.

4- In ay hirgelin waayeen dib u habeyno siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo dalalkooda kadhacda.

5- Deyn-bixiyaasha qaar oo deyntoodu aheyd mid dulsaar leh isla markaasne mudada bixintu ay koobantahay taas oo sababtay in ay dalalkaan si degdeg ah ku-bixin waayaan deymaha lagu leeyahay.

6- In dalalkaan intooda badan aysan laheyn ama aysan u degsaneyn siyaasad ay ku-maareyaan deyn-bixinta sabatuna waxa ay aheyd iyagoo ku kalsoonaa ganacsiga ay dibada laleeyihiin lacagaha kasoo xaroon doono in ay ku bixin doonan deymaha lagu leeyahay. 

Dhamaan qodobaaan kor kuxusan oo isku tagay waxa ay sababeen in uu kordho culeeska deymeed ee saaran dalalkaan.

Si loo xaliyo culeeskaan deymeed IMF iyo Bangiga aduunka (World Bank) waxa ay si wada jir ah u dhaqan-geliyeen hindisha HIPC sanadu marka ay aheed 1996`dii.

Ujeeedka laga lahaa hindisahaan waxa uu ahaa, in lahubiyo in wadan faqiir ah uusan la kulmin culees- deymeed uusan xamili Karin.

Soomaaliya waa waddankii 37-aad ee gaadha heerkan muhiimka ah, ee loo yaqaan Barta Go’aanka (Decision Point) ee hindisaha HIPC.

Deyn cafinta ayaa Soomaaliya ka caawin doonta in ay dadkeeda u sameyso isbedel waara iyadoo u ogolaaneysa in deynta lagu leeyahay laga dhimo marka la gaaro heerka HIPC ee barta-dhameystirka(Completion Point).

Si kasto oo hoos  looga dhigo deynta dibada looga leeyahay Soomaaliya oo  dadaal ugu jirta in ay gaarto barta-dhameestirka (Completion Point) iyadoo ka faa`ideysaneysa hananka deyn-cafinta HIPC`ga hadana hindisihaan keligiis mustaqbalka fog ma damanaad qaadi karo xasilooni dhanka deynta ah ( Debt Sutsainability) oo ay gaarto waa hadii qaab-dhismeedka dhaqaalaheeda sii ahaado mid tabar-daran xitaa  waxaa laga yabaa in ay dib ugu laaban karto culeeski deymeed ee heystay ka hor hindisaha HIPC sida dhacday 2001/2002 oo qiimaha badeecada aduunka sare u kacday isla markaasne dhaqaalaha aduunka hoos u dhac ku imaaday xiligisaa oo dalal badan oo kamid ah HIPC`ga culeeski deymeed ku siyaaday. 

Iyadoo lawada ogyahay muhiimadda ay leedahay in dib-u-habayn lagu sameeyo qaab-dhismeedka hananka maareynta deynta  si loo sii wado xasiloonida deynta kadib guusha barta dhameestirka(Completion Point) hinidsaha HIPC`ga  ayaan maqaalkaan ku eegi donaa  dhowr arrimood ooo muhiim u ah joogteynta xasiloonida deymeed oo ay kamid yihiin; siyaasada iyo qaab-dhismeedka hay’adaha, awoodda maareynta deynta, dhoofinta bedeecooyinka iyo adeegyada kala duwan iyo ururinta dakhliga gudaha. Sida caadiga ah Wadamada marka ay soo gaaraan barta-dhameestirka(Completion Point) isla markaasne hoos looga dhigo deymihii lagu lahaa ilaa heer waari-kara waxa  ay si ballaaran u qiimeeyaan suurta galnimda ay kusii socon karto xasiloonida deynta. Waxaa xaqiiqo in joogteynta xasiloonida deynta aysan macquul ahayn haddii waddan uu ku sifeysan yahay siyaasad xumo iyo qaab-dhismeedka hay’adaha oo aan  gaarsiisneyn heerki larabay, maarayn la`aanta  deynta, wax-dhoofin yarida  iyo isku-dabaridka  aruurinta  dakhliga maaliyadeed oo daciif ah.

Soomaaliya waa in ay xooga saartaa Afartaan qodob ee hoos ku qoran si ay u sii joogteyso maareynta xasiloonida deynta.

1. Hagaajinta  Siyaasadda iyo Qaab-dhismeedka Hay’adaha

Siyaasada waanaagsan waxa ay horseedaa in hay`adaha dowlada sifiican u dhismaan oo ay noqdaan kuwo qabankara shaqadii looga fadhiyay.

Qaasatan ha`adaha dowlada ee ku shaqada leh hormarinta dhaqaalaha, qorsheynta, malgashiga iyo maaliyada hadii loo horseedo siyaasad xasilan waxa ay heli doonan jawi wanaagsan oo ay howlahooda ku fushaan si ay uga soobaxaan howlihi laga sugaayay.

Ugu dambeyntii waxaa meesha ka dhalanaya dal dhaqaalihiiisa hormarintiisa ku mashquulsan gudaha iyo dibadana kalsooni ka heysta isla markaasna kobac dhaqaale aan horay u jirin sameynaya, mar walba uu dalku hormar ku sii tilaabsadana waxuu si fudud u sii wadi karaa joogteynta xasiloonida deymeed.

2. Sare U-Qaadida Awoodda Maareynta Deynta

Maareynta deynta;  waa habka dejinta iyo fulinta istaraatiijiyad lagu maareynayo deynta dawlada si kor loogu qaado qaddarka maalgelinta mudada dhexe iyo tan mudada fog ee loo baahanyahay iyadoo la adeegsanayo kharashka ugu hooseeya ee suurtogalka ah.

Dawladu waa  inay hubisaa in heerka kobaca deynta iyo bixitaankeeda  ay ku socdaan waddo waari-karta. 

Hay’adaha maareynta deynta  masuulka uga ah dowlada dhexe waa inay la socdaan marka ay fulinayaan hawlgalladooda maaraynta deynta dhibaatooyinka ku imaan kara sii joogteynta xasiloonida deymeed ee oo ay ku wargeliyaan dawladda waqti ku habboon.

Marka laga soo tago in ay horseedeyso sii-joogteynta xasiloodina deynt, faa`ideynka kale oo ay leedahay in sare looqaado awooda Maareynta deynta waxaa kamid ah;  waxay ka caawin kartaa Somalia  in ay siyaabo badan hoos ugu dhigi karto  kharashaadka ay wax ku amaahaneyso. Tusaale ahaan, barnaamijka deynta oo si wanaagsan loo maamulo wuxuu kalsooni siin karaa maalgashadayaasha sidaas oo kale Maareynta wanaagsan ee deynta dalka ayaa gacan ka-geysaneysa horumarinta suuqa maaliyada  gudaha ugu dambeyntii deynta oo si wax ku ool ah loo maareeyo  waxay yarayn kartaa u nuglaanshaha dhaqaalaha ee jahawareerka dhaqaale iyo maaliyadeed ee imaan kara.

3. Dhoofinta badeeco iyo adeeg kala duwan

Hadii badeecada iyo adeega uu dal dhoofinayo noqdo kuwo yar oo dhow badeeco ka kooban dakhliga kasoo xaroon karana aad ayuu u hooseynayaa, dhanka kalana qabyada ganacsi ee dalka ku jiro sare ayey u kaceysaa madama wax-sodhoofinta dalka(Import) ay aad uga badaneyso wax-dhoofinta dalka (Export) taas oo kadhigan in ganacsigaaga diba uusan is dheelitiri-karin isla markaasna uu adiga markasto kaaga baahanyahay in aad kabtid oo lacag farabadan oo aad qeyb kamid ah u adeegsan kartay ilaalinta xasiloonida deymeed aad ku qasbanaatid in aad  dalka dibada uga saartid si aad badeeco ama adeeg u soo dhoofisid.

Sidaas darteed waxaa muhiim ah in ay Soomaaliya kordhiso wax-soosarkiisa gudaha taas oo keeni karto in badeecada iyo adeega dibada loo dhoofin karo ay badato isla markasno ay noqoto badeeco iyo adeegyo kala duwan, tayo saro leh oo suuqyada caalamka looga iibin karo qiimo sare, wax-soo dhoofsiga dibadana uu yaraado si qabyada ganacsiga dibadana u yaraato oo hormar dhaqaale iyo isku filnaasho loo gaaro taas oo dalka ka dhigi karto mid aanan wax walwal ah ka qabin sii joogteynta xasiloonida deynta.  

4. Dib-uhabeynta nidaamka aruurinta Dakhliga gudaha

Si loo sii joogteeyo xasilooni dhanka deynta ah dib-uhabeynta nidaamka aruurinta dakhliga gudaha aad ayuu muhiim u yahay. waayo  wadamada uu hooseeyo nidaamka aruurinta dakhliga gudaha waa kuwo ku tiirsan kalmada ama deeqaha  dibada uga imada deeqahaas oo ah kuwa sabeynaya ama isbedbedelaya oo aan markasto sidi larabay la isugu haleyn karin iyo in ay deyn dibada kasoo qataan si ay u haqabtiraan baahiyadooda qarashaad, deyntaas oo noqon karta mid dulsaarkeedu aad u sareeyo dhibaatana u horseedi karto ilaalinta xasiloonida deymeed. sidaas oo kale hadii dal nidaamkiisa dakhli aruurinta uu hooseeyo waxaa ku adkaaneysa in uu iska caabiyo ama uu ka hortago dhibaatooyinka dabiiciga ah ama dhaqaale uu la kulmi karo.

Sidaas darteed waa in ay Soomaaliya xooga saartaa in ay dib-uhabeyn ku sameyso nidaamka aruurinta dakhliga gudaha oo aad u hooseeya si loo dhimo kalmada dibada ee aadka loogu tiirsanyahay.

Gunaanad

Soomaaliya  oo juhdi ugu jirta in ay gaarto barta-dhameestirka(Completion Point)  waxaa looga fadhiyaa maareynta laba(2) shey oo muhiim ah; 

in ay xaliso baahideeda maaliyadeed(Lacageed) ee mudnaanta u leh hormarka dalka iyo baahida loo qabo in la ilaaliso xasiloonida deymeed ee mudada fog ah.   

Si ay Soomaaliya si ay u joogteyso xasiiloni waarta oo dhanka deynta, waa in ay ka shaqeysaa kob-cinta dhaqaalaha gudaha, sameeyo dib-u-habeyn  lagu hagaajinayo siyaasadda iyo qaab-dhismeedka hay’adaha, xoojisaa siyaasada maareynta deynta, abaabushaa nidaam dakhli aruurin gudaha ah oo wax ku ool ah, abuurtaa jawi ku habboon soo jiidashada maalgashiga shisheeye ee  tooska ah iyo kordhinta kala-duwanaasha badeecada iyo adeegyada la dhoofinayo. 

W/Q: Dr. Saadaq Mohamud Hassan (Ph.D Economics)

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.