HirShabeelle oo ballan-qaad ka sameysay kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka HirShabelle oo war-saxaafadeed kasoo saaray kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo shacabka, ayaa ballan-qaaday inay gurmad ah deg deg ah gaarsiin doonaan deegaanada laga saaray kooxda.

Qoraalka kasoo baxay HirShabelle ayaa sidoo kale lagu xusay magacyada deegaanada laga qabsaday Al-Shabaab, ayada oo maamulka bogaadiyay guulaha muhiim ka ah ee laga gaaray howl-galada baahsan ee lagu ciribtirayo argagixisada.

“Qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa suuragaliyay inay xoreeyaan deegaano dhowr ah oo argagixisada AS ay hore u maamulayeen jab xooganna lagu gaarsiiyay dagaaladii lala galay sida deegaanada, Yasooman, Nuur fanax, Buuraha qayaayaale, Garasyaani, Aboorey, Tardo, Sagal geed, Geedsamo, Inameey iyo Booco oo maanta laga saaray cadowga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowlad-goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka inay maamulka ka go’an tahay xoreynta deegaanada ku jira gacanta cadowga, iyada oo kaashaaneysa ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka.

“Waxaa ugu baaqeyna qeybaha kala duwan ee bulshada inay u istaagaan ka qeyb-galka howlagalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo ku caan baxday daadinta dhiiga shacabka iyo dhaca hantida umadda.”

Ugu dambeyntiina waxa lagu xusay in dolwad-goboleedka HirShabelle uu si dhow ula socdo xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanada laga saaray cadowga, kuwaasi oo u baahan gurmad deg deg ah.