QOOR QOOR oo bogaadiyey baarlamanka kadib muddo kordhintii ay u sameeyeen

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo xalay soo xiray kalfadhiga 5-aad ee baarmanaaka maamulkaasi ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyey xildhibaannada Galmudug oo intii uu socday kalfadhigan isaga u sameeyey muddo kordhin hal sanno ah.

Qoor Qoor ayaa shaaca ka qaaday in baarlamaanka uu shaqo wanaasagn soo qabtay muddada uu furnaa kalfadhigan, taas oo ka mid ah waajibaadka loo igmaday.

“Sida kalfadhigii shanaad shaqooyinka muhiimka ah ee dhaxal-galka ah ee Galmudug u soo qabteen ee waajibaadkooda u guteen sidii mas’uuliyadood aay aheyd,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in kalfadhigaan uu ka qiimo badnaa kalfadhiyadii hore, isla-markaana lagu meel-mariyey shuruucdii loogu baahi badnaa oo ay ku jirto wax ka beddel lagu sameeyey dastuurka dowlad goboleedka Galmudug.

“Kalfadhiga shanaad wuxuu noogu soo xirmay meel kalfdhiyadii hore ka qiimo badan ku soo aaday fursado badan shuruucdii loogu baahi badnaa lagu meel mariyey iyo waddankoo xorey ay ka socoto bay nagu soo aaday,” ayuu markale yiri madaxweynaha Galmudug.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka Al-Shabaab, isaga oo xildhibaanada ugu baaqay inay qaataan doorka kaaga aadan howlgallada ka dhanka ah kooxdaasi.

“Baarlamaanka sharafta leh waxaan ka codsaneynaa inaaan ka wada qayb qaadano dagaalka Al-Shabaab, haddii ay tahay xoolo, ciidan iyo haddii ay tahay baraarujin,”.

Qoor Qoor ayaa sidoo kale xalay sixiixay laba sharci oo kala ah sharciga xisbiyada iyo sharciga guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, kuwaas oo muhiim u ah Galmudug.