HirShabelle oo is-hortaag ku sameysay dibadbax lagu taageeri lahaa DF Somalia

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee ka howlgala Beledweyne ayaa saaka ka hortagay dibad-bax la filyey in lagu qabto gudaha magaaladaasi, kaas oo la sheegay in lagu taageeri lahaa madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay kala dareeriyeen dadkii qaban-qaabinayey banaan-baxaasi, iyadoona ciidamo Boolis ah la dhigay baartamaha Beledweyne.

Taliska Booliska gobolka Hiiraan oo ka hadlay arrintaasi ayaa sheegay in aan lagu soo wargelin dibax-baxa la joojiyey, wuxuuna talisku shaaciyey in aysan ogolaan doonin in la sameeyo isu soo bax sharci darro ah, iyadoo aan la ogeysiin saraakiisha dhinaca amniga.

Dhankiisa guddoomiye ku xigeenka amniga maamulka gobolka Hiiraan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in deegaanada HirShabelle aan laga dhigi karin dibad-bax uusan la socon maamulkaasi, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay ilaaliyaan nabad-geliyada.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysay, iyadoo maalin ka hor Puntland ay joojisay dibad-bax ka dhici lahaa magaalada Boosaaso, kaas oo lagu taageeri lahaa Madaxweynaha Somalia.

Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii banaan-baxyo waa-weyn oo lagu taageeray hadalkii Farmaajo ee arrinta maqaamka Muqdisho lagu qabay gobolka Banaadir.