XASAN SHEEKH oo u digay Farmaajo “Shacabka ha ku qasbin inay hub qaataan”

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga digay madaxweyne Farmaajo inuu shacabka ku hoggaamiyo inay hub u qaataan dowladda Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa u sheegay Farmaajo inuusan taariikh xun ka tagin, oo dhibaato dalka ka dhacda taariikhda loogu qorin in isaga uu hoggaamiyey, oo berri la yiraahdo “wixii maalintaas dhacay isagaa horseeday.”

“Madaxda dalka waxaa leeyahay ha suginina maalinta shacabku idinka hor imanayo, 30 sano kuwo dalkan soo xukumayey ayaa barqo cad jidka lagu diray, waxaana u soo jeedinaynaa dowladan ragaas xabadaa lagu ridaye yeysan isku kalifin in ayaga xabad lagu rido talo aan anagu leenahay lagula ridi maayee,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

“Ma rabno inay colaad dhacdo, ma rabno in is-jiijiid uu dhaco, waxaan rabnaa in horey loo socdo, waqti badan ayaa naga lumay oo 30 sano ah, umadaha kale intaas oo waqti ah kama lumo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo aysan marnaba uga aamusi doonin wixii saxda ah. “Wixii dan darro ah lagaaga aamusi mayo, wixii gef ah lagaaga aamusi mayo, wixii qaanuun ah ee aan ku heshiinay lagugu dayn mayo, lagaagana aamusi mayo.”

Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynihii kursiga ku wareejiyay madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale walaac ka muujiyo in xiligan oo waqtigu gabaabsiga yahay ay madaxda Villa Soomaaliya ku murmayaan in dalkan doorasho ka dhici karto iyo inkale.

”Doorasho ma dhacaysaa in xilligaan laga murmo waa nasiib daradda ay badeen shacabka Soomaaliyeed Villa Somalia masuuliyiinteeda” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.