JUBALAND oo qoraal kasoo saartay fashilka kulamadii guddiyada Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada dalka

Kismaayo (Caasimada Online) – Jubaland ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay fashilkii ku yimid shirarkii dhowaan fashilmay ee dhex-maray guddi ka kala socday Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada dalka.

Qoraalka Jubaland, oo kasoo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa si cad ugu loogu eedeeyey madaxtooyada Soomaaliya inay mas’uul ka ahayd fashilka ku yimid kulamadaas oo la doonayey in lagu diyaariyo kulan dhex-mara madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Hoos ka aqriso qoraalka Jubaland

Dowlad Goboleedka Jubaland waxay si weyn u dareensan tahay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka duulaysa hadafkaas ayaa waxay aqbashay inay qayb ka noqoto guddi uu dalbay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inay diyaariyaan kulamo looga tashanayo masiirka dalka, maadaama lagu jiro xilli xasaasi ah.

Sidaa daraadeed, Dowlad Goboleedka Jubaland waxay ka qayb gashay saddex kulan oo looga arrinsanayey qaabka ugu habboon ee lagu qaban karo shirka wada tashiga ee madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ah. Waxaa nasiib darro ah in shirarka kor ku xusan oo uu hoggaaminayay xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah aan wax natiijo ah laga gaarin, la iskuna waafaqi waayey waqti iyo goob kulanka lagu qabto. Waxaa kale oo wax laga xumaado ah in Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubinta ka ah oo ay ahayd inay si joogto ah u kulmaan, aanay muddo laba sano ah kulmin sidaasna ay ku dayacmeen howlihii ummadda loo hayey.

Dowlad Goboleedka Jubaland oo ka duuleysa xaqiiqooyinka kor ku xusan iyo xaaladda cakiran ee uu dalku marayo oo aan laga gaabsan karin, waxay soo jeedinaysaa go’aamada soo socda:

1. Inay shaqayn waayeen xoghayntii (secretariat) loo igmaday qabanqaabadda shirka wadatashiga madaxda, sidaa daraadeedna Jubaland aanay qayb ka ahaan karin shirar aan natiijo lahayn.

2. Inay bogaadiso hadalkii uu Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalku ka sheegay Golaha wasiirrada, hadalkaas oo ku saabsanaa muhiimmadda ay leedahay in doorasho la wada oggol yahay ay waqtigeeda ku qabsoonto. Waxaa aanu ku dhiirri galineynaa in Ra’iisul Wasaauruhu guto waajibkiisa.

3. Inay bogaadiso go’aankii Guddoomiyaha Aqalka Sare uu maanta isugu yeeray Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare, si ay uga talo-bixiyaan tubta ugu habboon ee lagu xallin karo khalkhalka siyaasadeed ee ka dhalan kara doorasho heer qaran ah oo aan habraaceeda lagu heshiin.

4. Waxaan taageero buuxda siinaynaa go’aankii ka soo baxay kulankii Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ee qabsoomay 9/6/2020. Go’aankaas oo ahaa in shir wadatashi heer qaran oo degdeg ah laysugu yimaaddo inta ka horreysa 25-ka bishan June.

5. Waxaan dhammaan maamullada dalka, hay’adaha kala duwan, xisbiyada siyaasadeed iyo dhammaan shacab waynaha Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in laga wada qayb qaato xasilloonida iyo midnimada dalka.

6. Waxaan bogaadinaynaa kaalinta haboon iyo garab istaagga joogtada ah ee ay beesha caalamku la garab taagantahay Dowladda iyo Shacabka Soomaliyeed.