Lafta-Gareen oo beeniyey qorshihii la sheegay inuu u fuliyey VILLA SOMALIA

Xudur (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo ku sugan magaalada Xudur ee xarunta Bakool oo uu shalay gaaray ayaa mar labaad beeniyey war laga faafiyey maamulkiisa oo ahaa in Koonfur Galbeed, ayada oo u adeegeysa Villa Somalia, ay carqaladeysay shir dhex mari lahaa dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Lafta-gareen ayaa taas bedelkeed ku dhawaaqay inuu marti-gelinta shir ay isugu yimaadaan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

“Laga bilaabo maanta waxaan balan qaadeynaa in gogoshii ay Koonfur Galbeed qaaday oo Baydhaba aan dhignay, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay isugu imaanayaan,” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in shirka labada dhinac ee dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada uusanba gaarin heer ay carqaladeyso Koonfur Galbeed, isla markaana loo xil saaray guddi farsamo oo gacanta ku haya.

“Waxaa jiray guddi ka shaqeynayey sidii shir loo qaban lahaa, oo loo xiriirin lahaa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, weli gudigaasbaa shaqadii gacanta ku haya oo wada, marka maba la gaarin meel aan ku diidno oo weli waxaa socda wadahadalkii ku saabsanaa sidii la isugu imaan lahaa iyo waqtigii la isu imaan lahaa, shaqadaas unbaa socotay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Lafta Gareen oo warbaahinta kula hadlay Xudur.

Sidoo kale Lafta Gareen ayaa sheegay in hadalkaas dadka ka faafiyey uu ku jiro madaxweynihii hore ee maamulka Puntland.

“Sida aan arkay madaxweynihii hore ee Puntland, shir uu qabtay ayuu uga hadlay arrintaas nala ka faafiyey, runtii wax xaqiiqda u dhawna maaha, sidoo kale waxaa warkiisa ku jiray, in uu yiri dadkii reer Puntland ee Koonfur Galbeed joogay wey soo tageen, wax naga tegayna ma jiraan oo maamulka ayey ka mid yihiin, kuwii ayaga halkaan ka joogayna way soo baxeen ayuu yiri, wax kasoo tegayna ma lahan, halkoodii ayey joogaan, wax xumaato ah oo dhex yaalla dadka reer Puntland iyo dadka reer Koonfur Galbeed-na ma jiraan,” ayuu yiri Lafta-gareen.