Xildhibaanada BF oo kulan xasaasi ah ka yeelanaya sharciga xisbiyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online ) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka ayaa maanta yeelanaya kulankoodii ugu horreeyey ee kalfadhiga 7-aad, kaas oo Sabtidii la soo dhaafay uu daah-furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa ajandihiisa koowaad wuxuu yahay sharciga xisbiyada siyaasadda oo xildhibaanadu ay marin doonaan akhrintiisa koowaad.

Sidoo kale ajandaha labaad ayaa ah soo bandhigida iyo ansaxinta xubin cusub oo ku soo biireysa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, sida uu shaaciyey hab-dhowraha golaha shacabka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux).

Kalfadhigan ayaa ah kii ugu dambeeyey, waxaana xil-heynta baarlamaanka uga dhiman saddex bilood oo kaliya, sida ku cad Dastuurka kumeel gaarka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa looga fadhiyaa labada Aqal inay kala cadeeyaan nooca doorasho ee la qabayo, si loogu heshiiyo ka hor inta la aadin doorashooyinka 2020 illaa 2021-ka.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa iyadoo haatan lagu guda jiro xilligii kala guurka waxa ay muuqaataa mid sii cakirmeysa, waxaana durbo soo shaac baxay khilaaf culus oo u dhexeeya guddoonka labada Gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.