HirShabeelle oo rikoor u dhigtay maamullada kadib tallaabo uu qaaday Guudlaawe

Jowhar (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa noqday maamul goboleedkii ugu wasiirada badan, kadib markii uu madaxweynaha maamulka, Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu Golahiisa wasiirada ku daray wasiir iyo wasiir ku-xigeen cusub.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyaha HirShabelle ayaa Axmed Sheekh Nuur Cabdi (Cirro) loogu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Reer Miyiga, sidoo kale waxa Xuseen Maxamed Tuuryare u magacaabay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda.

Wasaaradaha qaar ee lagu soo kordhiyay HirShabelle ayaa waxa jirin Wasaarado dhigooda ah oo ka tirsan kuwa Federaalka iyo dowlad goboleedyada, taasi oo ka dhigan in tirada wasiirrada ay gaarayaan in ka badan 80 Wasiir.

Sidoo kale waa maamulkii ugu horeeyay ee wasaarad kasta u sameeya wasiiru-dowle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa 2-dii bishaan magacaabay Golahiisa wasiirada cusub, ayada oo isla maalin kadib ay codka kalsoonida siiyeen Golaha Wakiilada maamulka HirShabelle.

Cali Guudlaawe ayaa laga sugayey golaha wasiirada muddo laba sano ku dhow oo uu xilka hayo, ayada oo maamulkiisa inta badan uu muddadaas dhexda uga jiray xiisad siyaasadeed.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada u dambeysay ee kasoo baxday Guudlaawe