HirShabelle oo soo saartay amar musharaxiin badan saameyn doona (Akhriso)

Jowhar (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga ee dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa soo saartay amar ay garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ay uga mamnuuceyso in laga soo dejiyo hub.

Wasaaradda ayaa qoraalkaan ku sheegay in amarkani uu salka ku hayo ilaalinta xasiloonida iyo badqabka bulshada deegaanada HirShabeelle, “Si loo dar-dar geliyo doorasho hufan oo ku dhisan wadar-ogol,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkaan ka soo baxay wasaaradda amniga HirShabeelle ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ku war-gelineynaa hey’adaha ay ku socoto warqadaan ee garoomada Jowhar, Muqdisho iyo Beledweyne, in laga bilaabo 15-ka Janaayo la joojiyey in wax hub ah laga soo dejiyo garoomada diyaaradaha ee Jowhar iyo Beledweyne.”

Wasaaradda amniga HirShabeelle ayaa ku goodisay inay la xisaabtami doonto cid kasta isku dayda inay amarkaas jebiso.

“Wasaaraddu waxay fareysa Talisyada Ciimada Booliska iyo Nabad sugidda ee garoomada HirShabeelle in shaqadooda ay si hufan u gutaan, iyagoo la shaqeynaya maareeyeyaasha garoomada,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay soo saartay wasaaradda amniga HirShabeelle.

Amarkaan ayaa ku soo aaday saacado kooban kadib markii uu Jowhar gaaray madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe, lamana oga waxa sababay in amarkaan ay soo saarto xukuumadda Madaxweyne Guudlaawe.

Kuraasta lagu dooranayo magaalada Beledweyne waxaa ka mid ah kursi la filayo in sanadkaan uu u tartamo Fahad Yaasiin oo ah la-taliyaha dhanka amniga ee Farmaajo, kaas oo la aaminsan yahay in hub iyo ciidan uu geysan doono Beledweyne.

Hoos ka akhriso warqadda