27.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Hogaamiyaha Boko Haram oo muddo dheer kadib soo diray cajalad Hanjabaad ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Kooxda xagjiriinta Boko Haram Abubakar Shekau ayaa wakhti dheer kadib kasoo muuqday cajalad video ah, oo uu uga hadlaayay wararka sheegaya in laga tirtiray inta badan dalka Nigeria.

Video-ga uu soo duubay Abubakar Shekau oo soconaaya 25-daqiiqo ayaa waxa uu ku beeniyay in Dowlada Nigeria ay Saldhigyo ka qabsatay Kooxdiisa.

Shekau oo ku hadlayey luuqadaha xoowsaha iyo Carabiga ayaa sheegay in muuqaalkan uu soo duubay 25-ki bishan December oo ku beegneyd maalinta ciida masiixiga, balse ma uusan sheegin halka uu joogo.

”Kooxdu wey nabad qabtaa mana jirto meel nalaga eryay, islamarkaa xeeladaha iyo istaraajiyada ma muujin karaan booskana inuu Eebe doono mooyee” ayuu yiri Hogaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau

Waxa uu intaa ku daray Hogaamiyaha “Askartiina ayaa doonayaa fasax, marka waxay sheeganayaan in shaqada la dhammeeyay,”

Hogaamiyaha Boko Haram Abubakar Shekau, waxa uu intaa raaciyay in Dagaalka uusii xoogeysan doono wakhtiyada fooda nagu soo heysa.

Haddalka Hogaamiyaha ayaa imaanaya xili Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari 23-ki bishaan December sheegay in milatariga Nigeria ay maleeshiyaadka Boko Haram ka qabsadeen saldhig ay ku lahaayeen keymaha Sambisa oo ah saldhiga ugu weyn ee kooxdan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News