Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka cusub ee Somalia ayaa qaadan doona Kharashaadka ugu badan mudada ay jirto Dowlada Cusub ee iminka la filaayo inay dhacdo Doorashadeeda.
Baarlamaanka Cusub ayaa waxaa ku bixi doona Kharashaadka ugu badan marka la eego Baarlamaanka iminka dhacay ee uu Hogaaminaayay Guddoomiyihii hore Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Kharashaadka ku bixi doona Baarlamaanka Cusub bixinteeda waxa uu imaanayaa xili dhibaato badan ay Dowlada Somalia ku qabto bixinta Kharashaadka Xildhibaanada farahabadan.
Tirada Xildhibaanada labada Aqal ee sii kordhaaya ayaa ka dhigan in loo baahan doono Kharashaad ka badan inta horay loo isticmaali jiray, waxa ayna taa culeys u keeni doontaa Dowlada Cusub.
Dowlada Somalia ee sii dhaceysa ayaa dhibaatooyin farabadan u reebi doonta Dowlada la filaayo inay ka dhalato Somalia, xili Dowladu ay bixin la’ dahay Mushaaradka shaqaalaha qeybahooda kala duwan.
HOOS KA AKHRISO DHAQAALAHA KU BIXI DOONA BAARLAMAANKA CUSUB
GOLAHA SHACABKA:
Tirada 275
Mushaarka $3000
Guno Amni 400
Isu geyn $3,400
Bishii $935,000
Sanadkii $11,220,000
AQALKA SARE:
Tirada: 72
Mushaarka $3000
Guno Amni $400
Isu geynta $3,400
Bishii $244,800
Sanadkii $2,937,000
TIRADA/ISU GEYN: 347
Bishii $1,179,800
Sanadkii: $14,157,600
Kharashaadka Sanadkii ku baxaaya Xildhibaanada Labada Aqal wuxuu gaarayaa Lacag dhan $14,157,000.
Dowlada cusub ee imaan doonta ayaa looga fadhiyaa bixinta dhaqaalaha aan kor kusoo xusnay, waxa ayna su’aashu tahay Dowlada cudunka ah ee imaan doonta maka bixikartaa dhaqaalahaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

