Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo muran ba’an uu ka taagan yahay Maqaamka Gobolka Banaadir ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalla.
Caasha Axmed oo ka qeybqaadaneysay Barnaamijka dooda ee ka baxaayay Idaacada DR ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegtay in Maqaamka Muqdisho uu halis galinaayo nidaamka jira.
Caasha waxa ay tilmaantay inaanu imaan doonin Maqaam gaara oo uu yeelan doono Gobolka waxa ayna farta ku goday in maamulka Muqdisho uu gacanta u galay dad gaara.
“Suuragal maaha in Magaalada Muqdisho ay hesho maqaam gaara waayo waxaa halis gali doona nidaamka hadda jira sidaa darteed ma suuroobeyso in Maqaam lasiiyo Muqdisho”.
Xildhibaanada Caasha waxa ay intaa raacisay in go’aan ka gaarista Maqaamka Muqdisho ay tahay mid aan sahlaneyn isla markaana aan maalmo lagu xalinkarin.
Caasha Axmed waxa ay ku baaqday in marka hore Maamulka Muqdisho laga saaro gacanta shaqsiyaadka si ay suuragal u noqoto in Muqdisho ay hesho Maqaamkeeda.
Haddalka Caasha Axmed ayaa imaanaya xili maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay in Maqaamka Muqdisho ay tahay mid Muqadas ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

