Hogaamiyaha ISIS ee CIRAQ oo xil sare sheegtay (Imisa dal ayuu maamulaa?)

Tikrit (Caasimada Online) – War uu soo saaray hogaamiyaha kooxda ISIL (ISIS) ee ka dagaalamaysa dalalka Siiriya iyo Ciraaq ayaa sheegay in la badalay magacii hore ee ahaa Dowlada Islaamiga ah ee Ciraaq, Siiriya iyo Lubnaan (The Islamic State of Iraq and the Levant) balse hada laga dhigay magaca “Dowlada Islaamiga” ah (The Islamic State.).

Afhayeenka kooxdan oo lagu magacaabo Abu Mohamed Cadnani ayaa sheegay in hogaamiyaha ISIL Abu Bakar Al Baqdadi uu yahay Khaliifka cusub ee Caalamka Islaamka iyadoona hada kadib magaca hogaamiyahaasi loogu yeeri doono Khaliif Ibrahim sida uu sheegay afhayeenka ISIL.

Kooxdan ayaa sheegtay inay iyadu dhistay Khilaafada cusub ee Islaamka loogana baahan yahay islaamka oo dhan inay beeco la galaan ama taageeraan maamulkan islaamiga ah.

Kooxda ISIL ayaa kamid ah kooxaha tirada badan ee sheega inay dhisayaan dowlad Islaami ah, balse kooxdan ayaa guulo waaweyn ka gaartay dagaalada ka socda Ciraaq iyo qeybo kamid ah Siiriya, wallow aan la aqoon sida ay warkan usoo dhaweyn doonaan kooxaha kale sida AL Qacida oo horey kooxda ISIL ka saartay shabakadeeda mideysa ururada hubeysan ee ka dagaalama caalamka islaamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com