Daawo Video: C/Weli Gaas oo aqbalay rabitaanka maamulka Khaatumo State

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Khaatumo ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatey wadanka Kenya ku sheegtey in bishaan June 26-keedii kula kulmeen magaalada Nairobi Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Fardows Maxamed ayaa tiri mar ay saxaafada la hadleysay ” Waxaanu la kulaney Madaxweynaha Puntland oo aan kala hadaley arrimo khuseeya dalkayaga, wuuna nasoo dhoweeyey, wuxuuna noo muujiyey inuu nagu xushmeyn doono waxaan aan anagu rabno oo u baahanahay inuu nala garab istaagi doono. Wuxuuna noo sheegey Madaxweyne Cabdilweli Gaas inuu nala garab taagan yahay hiil iyo hooba. Wixii Wanaag ah oo aan dooneynana uusan naga maqneyn isaga iyo Shacabka Puntland”

Hadalka Fardows ayaa ku soo beegmaya xilli maamulka Somaliland ciidamadiisu ka baacsadeen magaalada Taleex qaar ka tirsan siyaasiyiin u dhalatey gobolada Sool iyo Cayn kuwaasoo damacsanaa iney halkaas ku qabtaan shirweynaha Khaatumo.

Halkan ka daawo hadalka Wasiirka arrimaha dibedda Khaatumo

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com