Xildhibaanno u jawabaay Nicholas Kay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholos Key oo BBC-du ay wareysatay ayaa ku tilmaamay nidaanka federaalka inuu yahay mid Soomaalida isku soo dhoweynaya.

Xildhibaan C/rashiid Cumar oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalka Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholos Key, wuxuuna ku tilmaamay hadaladaasi kuwo sii kala fogeyn & burbur u horseedaya Soomaalida.

Xildhibaan C/rashiid oo arrintaasi ka hadlayey waxa uu yiri: “Nicholos Key Federaal ayuu ka hadlay, tusaale wuxuu noogu soo qaaday Mareykan & Canada. Ha noo sheego waddan hal qowmiyad ka kooban oo isku af, diin & dhaqan ah oo wax ay ku kala duwan yihiin aysan jirin oo Federaal ku dhaqma.? Annaga Federaalka uu nagula soo ordaayo meelaha looga baahan yahay ha geeyo. Ha u geeyo Federaalka Kenyaanka iyaga ayaa dhowr qowmiyadood ka koobane ”.

Xildhibaan C/rashiid waxa uu sheegay in si loo kala qeybiyo Soomaaliya lagu sanduleeyey in ay qaadato Federaalka, ummadda waxgaradka ahna ay ka dharagsan yihiin in Soomaaliya iyo Federaal aaney is qaadan karin.

“Nicholos Key waxa ay Soomaalidu ku dhaqmeyso iyaga ayaa garanaya ee isagu waa inuu ku ekaadaa shaqadiisa safamalka ah ” ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com