Mungaab oo xaruntiisa lagu weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa xalay weeraro dhinacyo kala duwan ay ku qaadeen xarunta Muungaab ee maamulka gobolk Banaadir uu ku leeyahay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Wararka la xiriira weerarka ayaa sheegaya in labo jiho laga weeraray xarunta maamulka gobolka Banaadir, iyadoo ciidamada weerarka qaaday qaar ay weerarka kasoo qaadeen dhanka Xaafada Waxarcade ee degmada Heliwaa.

Waxaa aad u yar in faahfaahin dheeri ah laga helo wararka weerarka la xiriira maadaama ciidamo badan ay isku gadaameen goobaha ku hareeraysan dhismaha xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa saxaafada u sheegay in dhawaqa rasaasta la isweydaarsanayay laga maqlay xaafado kamid ah degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa, maadaama  xarunta ay ku taal goob kala qeybisa degmooyinkaasi.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo madaxda kale ee maamulka gobolka ayaanan ka hadlin weerarkaasi ka dhacay xarunta laga maamulo gobolka Banaadir.

Sidoo kale ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay werarka ka dhacay xarunta maamulka  gobolka Banaadir ee degmada Heliwaa, kaasi oo la sheegay inuu geystay qasaaro labada dhinac ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com