Puntland oo sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonto BARRE HIIRAALE haddii uusan la heshiin AXMED MADOOBE

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku hanjabay haddii uusan Korneel Barre Aadna Shire uusan la heshiin maamulka KMG ah ee Jubba in ay tallaabo ka qaadi doonaan oo xittaa ay ku weerarri doonaan deeganka uu ku sugan yahay ee Goobweyn.

Wasiirka garsoorka maamulka Puntland Ismaacil Maxamed ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay u tageen siddii loo dhammeen lahaa xiis ka dhalatay iska hor imaad dhawaan magaalada ku dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Wuxuu kaloo sheegay in wax yaabaha ay u yimaadeen Kismaayo ay ku guuleysteen oo ay dhammeeyeen iska hor imaadka magaalada ku dhexmaray labada maleeshiyo.

Dhinaca kale, wasiirka garsoorka maamulka Puntland ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in la xaliyo khilaafka ka aloosan maamulka Axmed Madoobe iyo Korneel Barre Hiiraale kuwaasoo horrey ugu dagaallamay magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in ay ugu baaqayaan Korneel Barre Hiiraale in uu qaato nabad oo uu la heshiiyo maamulka KMG ah ee Jubba si loo soo afjaro dhibaatada ka taagan Kismaayo isagoona intaas ku daray haddii uu diiddo Barre Hiiraale nabad in uu qaato in lagu weerarri doono deeganka uu ku sugan yahay ee Goobweyn oo 15km u jirta Kismaaya.

Hadalka wasiirka garsoorka maamulka Puntlan ayaa caddeen u ah taageerada waalida ah ee Puntland ay siineyso maamulka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com