70 ASKARI OO LAGA DILAY ETHIOPIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Jabhada ONLF  ee dagaalka kula jira ciidamada dowlada Ethiopia iyo maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegtay inay dileen askar badan oo Ethiopian ah.

Saraakiisha jabhada ONLF ayaa sheegay in ku dhawaad 70 askari oo ka tirsan ciidamada Ethiopia ay ku dileen dagaalo ka dhacay deegaanada maamulka Soomaalida Ethiopia.

Maxamed Cabdulaahi Sooc, oo ah sarkaal u hadlay jabhada ONLF ayaa sheegay inay dileen askartaasi kadib dagaal saacadihii lasoo dhaafay ay la galeen sida uu sheegay.

Gudoomiyahaasi ayaa sheegay in dagaalka ugu daran maanta uu ka dhacay deegaanka Qabri Dahar ee dhulka Soomaalida, isagoo sheegay in halkaasi ay ku dileen askarta ugu badan.

Sidoo kale wuxuu sheegay gudoomiyaha in dagaal ka dhacay deegaanka Goday ay ku dileen askar kale taasi oo guud ahaan tirada ciidamada ladilay ka dhigeysa 70 ruux.

Majirto ilo ka madaxbanaan Jabhada ONLF oo xaqiijinaysa sheegashada ku aadan in 70 askari oo Itoobiyaan ah ay ku dileen dagaal ka dhacay deeganada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com