Xog: C/Weli iyo Afeey oo ah maskaxda qorshaha xildhibaannada Daarood ay uga baxayaan Muqdisho + Ujeedada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh, ayaa lagu warramay inuu yahay maskaxda ka dambeysa qorshe ah in xildhibaanada beelaha Daarood ay ka baxaan magaalada Muqdisho, ee caasimada Soomaaliya.

Waxaa  sidoo kale qorshahan Cabdi Weli la og  Maxamed Cabdi Affey oo ku magacaaban wakiilka IGAD ee Soomaaliya, balse u adeegaya danaha beeshiisa. 

Cabdi Weli, ayaa qorshahan waxa uu u wakiishay Cabdrisaaq Jurille,oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka, si uu ololaha u dhaqaajiyo, maadaama asaga uu is-qarinayo, islamarkaana uusan xildhibaan ahayn.

Ujeedka qorshahan uu ka lee yahay Cabdi Weli ayaa ah in beesha caalamka loo muujiyo in magaalada Muqdihso ay tahay magaalo beelaha Hawiye ay si gaar ah u lee yihiin, oo aysan dowladda ku shaqeyn karin, kadib markii xildhibaanada iyo wasiirada Hawiye ay joojiyeen shaqadii dowladda..

“Xildhibaanada Daarood waa inaysan lumin jaaniska aan maanta heeysano, waxaad ku tihiin marti Muqdisho sidaas darteed anagoo ka jawaabeeyno waxay sameeyeen kuwa Hawiye waa inaad si degdega ugu kala baxdaan Garowe iyo Kismaayo, waana inaad Caalamka u sheegtaan inay Xamar noqon karin Caasimadda Somalia oo qabiil gaara leeyahay”  ayaa laga soo xigtay Cabdi Weli, sida ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online.

Ka bixitaanka xildhibaanada beelaha Daarood ee Muqdisho, ayuu Cabdi Weli rumeysan yahay inay billaabi karto dood ku saabsan in caasimada Soomaaliya laga wareejiyo magaalada Muqdisho, loona raro magaalo kale, kadibna dowladda ay guurto. Magaalooyinka uu ku taamayo waxaa ka mid ah Garoowe iyo Kismaayo, gaar ahaan Kismaayo.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Afeey ayaa qaar ka mida Xildhibaanada Daarood wuxuu u sheegay in Caasimadda Somalia laga dhigi doono Kismaayo, uuna kasoo dhameeyey Kenya iyo Ethiopia, sidaas darteedna loo baahan yahay inay taageero muujiyaan.

Ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ayaa iminka rumeysan inuu siyaasadii arrimaha dibadda uga adkaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, isaga oo xiriir fiican la leh Kenya, Ethiopia iyo xafiiska UNSOM, ee Nicholas Kay, oo uu madax ka yahay siyaasi reer Puntland ah oo lagu magacaabo Nuuradiin Diiriye.

Xildhibaanno ka tirsan kuwa beelaha Daarood, gaar ahaan kuwa Mareexaan ayaa ku tilmaamay qorshaha mid aan socon karin, oo aysan raali ka ahayn. Jurille, ayaa weli wada dadaal uu taageero ugu raadinayo qorshahan.

Siyaasiyiin ka tirsan beelaha Hawiye, oo la hadlay Caasimada Online, ayaa sheegay in qorshaha ah in dowladda laga raro Muqdisho uu yahay mid farxad gelin lahaa, haddiiba taasi ay dhacdo, sababta oo ah dowladda oo wax aan culees ahayn ku hayn deegaanada beelaha Hawiye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com