Faarax Cabdulqaadir oo ka guuleystay xildhibaannadii diidanaa qorshihiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan maanta ay yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayay u ansixiyey hindise sharciyeedka magacaabista guddiga adeega garsoorka oo maalmihii la soo dhaafay dood ay ka taagneyd kadib markii koox xildhibaano ah ay ka keeneen bareere (mooshin) lagu diidan yahay.

Xeerka Guddiga Adeega Garsoorka ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda garsoorka oo uu wasiir ka yahay Faarax Sheekh C/qaadir oo isaga laftiisa ah xildhibaan.

Faarax ayaa olole u galay, sidii uu uga guuleysan lahaa mooshinka laga keenay qorshihiisa, waana ay u suurta gashay.

Kulankii maanta ay isugu yimaadeen xildhibaanada ayaa waxaa cod loogu qaaday in baarlamaanka aqbalo ama diido magacaabista Guddiga Adeeega Garsoorka dalka kaasoo awood u siinaya xukuumadda hadda jirta inay isbedel ku sameyso maamulka garsoorka dalka.

Xildhibaano gaaraya 79 mudane ayaa aqbalay ansixinta magacaabista Guddiga Adeega Garsoorka, halka 54 mudane ay diideen, waxaana ka aamusay 9 mudane, sidaasi waxaana saxaafadda u sheegay xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah xogheynta baarlamaanka.

Guddoonka baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo maanta xeerka Guddiga Adeegga Garsoorka uu yahay ansax, xukuumaduna ay bilaabi karto shaqadeeda ku aada isbede la filayo in dhowaan lagu sameeyo maamulka adeega garsoorka iyo hogaanka maxkamadaha dalka oo dhan kadib markii cabashooyin fara badan oo la xiriira musuqmaasuq iyo caddaalad darro laga keenay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com